Maxaa Laga Filan Karaa Gudida Loo Xilsaaray Baadhitaanka Kiiska Gabadha Baadi doonka Loogu Jiro ee Ikraan Tahliil.

0

Muqdisho(HNN):-Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June ee sanadkan.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in saddax sarkaal oo ka kala socdo xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska iyo Nabad-Sugidda loo xilsaaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabar da’yar oo u shaqeynaysay hay’adda NISA.

Xeer Ilaaliyaha ayaa faray taliska NISA in ay ula shaqeeyaan saraakiisha magacaaban wadda kasta oo lagu gaari karo danta cadaaladda.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida waxa uu sheegay in ay aqbaleen furashada gal-dacwadeed ay u soo gudbisteen ehelka ay maqanad Ikraan Tahliil.

Ikraan Tahliil ayaa hay’adda NISA ku soo biirtay 2017, waxayna horay uga soo shaqeysay xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay guddoomiyihii qaraxa lagu dilay Cabdiraxmaan Yariisoow.

Sida la sheegay Ikraan markii cid ugu dambaysay waxay ahayd xilli habeen ah oo ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda NISA.

Talaabadan loogu magacaabay gudida baadhaysa kiiska gabadhan ayaa la filan karaa in laba arrimood ay mid uun noqoto,

Guddi baaris oo loo magacaabay kiiska Ikraan Tahliil

1-Waa ta koowaad ee Waxaa laga filan karaa haddii gudida ka kooban saraakiisha ciidan la siiyo kalsooni iyo awood ay ku fulin karaan baadhitaankooda la rumaysan yahay inay ka gun gaadhi karaan islamarkaana ay banaanka soo dhigi karaan xogta kama dambaysta ah ee laga gabadhaaa hore uga tirsaneyd ciidamada hay’ada nabad sugida ee nisa, iyadoo tuhumada wakhtigan la qabo iyo cadaymaha ilaa hadda la hayo oo ay ugu horeysay gaadhiga gabadha wakhtiga habeenimada ah qaaday oo u diwaangashanaa hay’ada nabadsugida ah ee nisa islamarkaana uu waday sarkaal kamid saraakiisha nisa, ayaa ah cadaymaha iyo tixraaca ugu horeeya ee ibo fur u noqonaya baadhitaanka kiiskan, waxaa dabcan haddii sida ugu haboon ay kalsooni istimaalaan in ay wakhti kooban ku keeni karaan gabadhan nolol iyo geeri halkii ugu danbeysay.

2-Qodobka labaad ayaa noqonaya haddii saraakiisha hawshan loo xilsaaray oo halka ugu horeeya ee baadhitaankoodu ka bilaabmayaa ay tahay hay’ada nabadsugida ee nisa oo gabadha markii ugu war danbeysay ay raacday gaadhigeeda, haddii aaney ka faaiidaysay khibrada iyo daacadnimada shaqadan islamarkaana ay u gacan galaan gacmo oo kale oo uu ugu horeeyo taliyaha Hay’ada Nabad sugida ee nisa Mr Fahad Yaasiin oo ah Saraalka ugu awooda badan dhinaca dawlada islamarkaana ah qofka bixiya amarada ugu danbeeya ee dhinaca amniga, haddii uu culeys kagaga yimaado dhinacyadaasi ayaa jawaabta laga filan karo saraakiishan noqon kartaa in aaney waxba ka bedelin kiiskan iyo xogaha ku qotoma xaqiiqooyinka gabadhaaasi, halkii ugu war danbeysay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa wali u dhegtaagaya dhacdada gabadhan oo isha lagu wadda hayo islamarkaana dadka qaar ay rumaysan yihiin in wakhti hore gabadhaasi ay khaarajisay hay’ada Nabad sugida ee Nisa, iyadoo laga cabsi qabo xogo badan oo la xidhiidha wiilashii ciidamada ahaa ee loo diray dalka ereteria oo ay haysay liiska dhaatada dhalinyartaa la diray dhammaanba inta ay dhan yihiin iyo magacyadooda iyo sidoo kale xogaha kiisas kale oo aad u culus oo ay kamid tahay dilkii alle haw naxariistee Eng Yariisow oo ay kamid ahayd shaqsiyaadka Hay’ada sirdoonka ka shaqeeya, haddana ka tirsanayaa dawlada hoose gobolka banaadir oo ay ka ahayd agaasimaha eng alle ha u naxariistee Eng Yariisow.

Hadhwadaagnews.com

Hadhwadaagnews@gmail.com

Muqdisho Office Somalia