Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Ka Qaybgalay Dhaarinta Madaxwaynaha DDSI Oo Markale La Doortay.

0

Jigjiga(HNN):-Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland mudane c.raxmaan ismaaciil saylici ayaa maanta ka qayb galay munaasibada xaflada dhaarinta Madaxweynaha dawlad deegaanka somaalida ethiopia.

-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magaalada Jigjiga ee caasimadda dawlad deegaanka Somaallida Itoobiya kaga qayb galay munaasibad lagu dhaarinayay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomallida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo dib loo doortay.

Waxa sidoo kale la dhaariyay Madaxweyne ku xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dawlad Deegaanka oo loo doortay gabadh. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadda ayaa Dawlad Deegaanka iyo shacbigeeda gaadhsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu ugu hanblayeeyay madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka xilka loo dhaariyay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in markii ay dumeen kelitalisyadii macangaga ahaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee dib loo xorreeyay Somaliland iyo Itoobiyaba, uu wanaagsanaaday xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaana uu xusay in xidhiidh iskaashi oo fiicani uu illaa hadda ka dhexeeyo labada dawladood.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mr. Saylici ayaa kula dardaarmay shacabka iyo Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya inay illaashadaan wada jirkooda isla markaana ay garab istaagaan dawladdooda, isagoo Alle uga baryay in qaybaha kale ee waddanka ee dhibtu ay ka taagan tahay nabad lagu soo dabbaalo, waxaaana uu xusay in Itoobiya oo wayxeellawdaa ay tahay Somaliland oo waxyeeloo soo gaadhay.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu baaq u diray Madaxda cusub Ee Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya, baaqaas oo ahaa inay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo horumarka bulshada Dawlad Deegaanka Soomaallida Itoobiya.