Maxay murashaxiinta Soomaalida ka heleen doorashadii Edmonton?.

0

Muqdisho(HNN):-Natiijada doorashada golaha deegaanka ee magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa xalay lagu dhawaaqay.

Saddex qof oo Soomaali ah oo kamid ahaa murashixiinta u tartamay kuraasta golaha deegaanka ayaa dhammaantood guuldarreystay.

Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa qadka taleefanka ee magaalada Edmonton kula xiriiray Cabdirisaaq Ismaaciil Xaashi (Cabdirisaaq Cirro) oo ah cilmibaare, ugu horreyna waxa uu waydiiyay sida ay u dhacday doorashada?