Xasaradda Ukraine: Arrimihii Putin u sahlay in uu saaxiib la noqdo Mareykanka kaddibna ka guuleysto.

0

Nairobi(HNN):-Madaxweyneyaashii Mareykanka ee isbaddalayay waxay caqabad kala kulmeen in ay fahmaan miisaanka Vladimir Putin, balse hadda oo ay xarig jiidka kusoo biireen xukuumadaha Brussels iyo Berlin oo awood badan wata, sheekadu waxay noqon doontaa mid ka duwan sidii hore, sida uu qoray Nick Bryant.

Inta badan way sahlan tahay in Vladimir Putin loo arko inuu yahay dhilqaha kunka sano, isagoo muuqaal bani’aadan leh, dilaana ah.

Madaxweynaha Ruushka waxa uu awoodda qabsaday 31-kii bishii December ee sanadkii 1999-kii, xilli dunida oo dhan laga dhowrayay in ay saacaddu is baddasho oo la galo qarniga cusub ee ka billaabanayay 2000.

Labaatankii sano ee xigtay, Putin waxa uu isku dayayay inuu dunida ka hagaajiyo hannaanka ay ku socotay ee cilladeysnaa, oo ah burburinta nidaamka caalamiga ah ee xorta ah.

Ninkan oo horay uga tirsanaan jiray hay’adda sirdoonka ruushka ee KGB waxa uu doonayay inuu waqtiga saacadda dib u celiyo, uuna soo nooleeyo Ruushkii mar jiri jiray xilligii uu ahaa Midowgii Soviet-ka ka hor inta uusan kala burburin 1991-kii.

Isagoo damaciisu yahay soo celinta dhulkii la kumay, waxa uu noqday hoggaamiyihii ugu dhibka badnaa ee soo maray qarniga 21-aad, waxa uuna mas’uul ka ahaa xaalado badan oo jah wareer ku dhisan laga soo billaabo Chechnya ilaa Crimea, laga billaabo Suuriya ilaa magaalo diimeedka Salisbury.

Waxa uu raadinayay – mararka qaarna ku guuleystay – in uu wax ka baddalo qariidadda qaaradda Yurub.

Waxa uu isku dayay – mararka qaarna ku guuleystay – inuu isku dhex yaaciyo howsha Qaramada Midoobay. Waxaa ka go’neyd – oo mararka qaarna uu ku guuleystay – inuu daciifiyo Mareykanka, uuna ka faa’iideysto kala qaybsanaantiisa iyo hoos u dhiciisa.

Putin waxa uu madaxweyne noqday xilli ay Reer Galbeedku kalsooni weyn isku qabeen. Mareykanka ayaa ahaa awoodda kaliya ee caalamka oo dhan laga baqi jiray.

An honour guard greets Air Force One on the Moscow tarmac in 2002

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,
Ciidan salaan sharaf siinaya diyaaradda madaxweynaha Mareykanka ee Air Force One oo ku degtay Moscow 2002

Maalmihii ugu horreeyay, gaar ahaan, Putin wuxuu Reer Galbeedka tusay in uu la dhacsan yahay sida ay wax u wadaan, sida ay rabaana uu u fikirayo – arrintaas oo hadda ay caddahay inuu ka watay qorshe uu taariikhda waji cusub ugu yeelayay, hase ahaatee dad badan ayaa ku dhintay inta ay howshaas socotay.

Madaxweyneyaashii Mareykanka ee is baddalayay ayaa sameeyay ficillo ka careysiiyay. Bill Clinton, oo ahaa madaxweynihii Mareykanka ee Aqalka Cad joogay markii uu Putin xilka qabtay, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu isbahaysiga Nato ugu fidinayay dalalka xuduudda la wadaaga Ruushka.

George F Kennan, oo ah qoraagii caanka ahaa ee u dhashay Mareykanka, ee diiwaan geliyay istiraatiijiyaddii Mareykanka ee Dagaalkii Qaboobaa, ayaa xilligaas ka digay: “In ballaarinta Nato ay noqon doonto khaladka ugu weyn ee uu Mareykanku sameeyo markii laga soo baxay Dagaalkii Qaboobaa kaddib.”

Bill Clinton in Pristina, Kosovo

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Bill Clinton waxa uu xoogga saaray in la ballaariyo Nato, arrintaas oo dadka qaar ay ku tilmaameen khalad

George W Bush waxa uu si gebi ahaanba khalad ah u fahmay dhigiisa Ruushka.

Oraah caan baxday ayuu hadda ka hor Bush yidhi mar uu Putin kula kulmay Slovenia, 2001-dii, taasoo ahayd: “Indhaha ayaan ka eegay ninka, waxaana ogaaday in uu yahay nin waddo toosan loogu imaan karo oo la aamini karo… waxaa ii suutagashay inaan fahmo naftiisa gudaha ku jirta.”

Bush waxa uu si khaldan ugu maleynayay in uu horumar la sameyn karo Putin, waddada dimuqraaddiyaddana uu kusoo celin karo.

Balse, inkastoo xitaa Bush uu Ruushka ku tagay booqashooyin ka badan kuwii uu ku tagay dalalka kale – oo ay ka mid ahaayeen, labo safar oo uu shakhsi ahaan u go’aansaday oo uu ku tagay sanadkii 2002-dii magaalada uu Putin kaso jeedo ee St Petersburg – hoggaamiyaha Ruushku wuxuu intaas ku howlanaa inuu fuliyo qorsheyaashiisa khatarta badan.

George Bush hosted Vladimir Putin at his Texas ranch

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

T-shirt saying 'The Russians are coming'

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

2008-dii, oo ahaa sanadkii ugu dambeeyay ee madaxweynenimada Bush, Putin waxa uu farogelin militeri ku sameeyay Georgia – tallaabadaas oo uu ku tilmaamay “howlgal ku saabsan higelinta nabadda”.

Madaxtooyada Kremlin waxa ay xilligaas ku doodday – ilaa haddana ku doodeysaa – in ay gardarro tahay haddii Washington ay cabasho ka keento ku xad gudubka sharciga caalamiga ah kaddib wixii ka dambeeyay markii uu Bush xoog ku qabsaday dalka Ciraaq.

Barack Obama ayaa isku dayay in uu dib u habeeyo xiriirka Mareykanka iyo Ruushka. Wasiirkiisii ugu horreeyay ee Arrimaha Dibadda, Hillary Clinton, waxa ay xitaa dhiggeeda Ruushka, Sergey Lavrov, gacanta u galisay batoon loogu talogalay dib u sixidda (kaasoo si khaldan loola mid dhigay eray Ruush ah oo micnihiisu yahay “buux dhaafay”).

Balse Putin waxa uu ogaa in America, oo ay ku daba dheeraadeen dagaalladii ay ku qaadday Afghanistan iyo Ciraaq, aysan mar kale rabin inay boolis u noqoto caalamka.

Markii uu Obama diiday inuu 2013-kii digniintiisa xariiqinta cas u adeegsado Bashar al-Assad, markii uu kali-taliyaha Suriya hubka kiimikada ah u adeegsaday shacabkiisa, Putin waxa uu arkay calaamad fasaxeysa isaga.

Waxa uu Assad ku garab istaagay dagaalka dhimashada badan sababayay, isagoo u fidiyay awoodda ay Ruushku ku leeyihiin Bariga Dhexe, markaas oo Mareykanku ay doonayeen in ay kasii jeestaan gobolka.

Sanadkii xigay, Putin waxa uu qaatay Crimea, oo ahaa gobol nidaamsan oo ka tirsanaa bariga Ukraine.

Inkastoo Obama uu ku yidhi “iska gooso,” Putin waxa uu xitaa isku dayay in uu farogeliyo doorashadii madaxtinnimada Mareykanka ee dhacday 2016-kii, isagoo rajeynayay in laga guuleysto Hillary Clinton, oo muddo dheer fahansaneyd qorshihiisa, uuna guuleysto Donald Trump oo waligiisba la dhacsanaan jiray Ruushka.

Taajirka kasoo jeeda New York marna ma uusan qarsanin sida uu u xiiseeyo Putin, taasoo dad badan ay u arkeen inay sii xoojisay rabitaanka ku jira madaxweynaha Ruushka.

Moscow waxay sii faraxday markii uu Trump dhaleeceeyay Nato, isagoo daciifiyay isbahaysigii Mareykanka ee dagaalka kaddib la abuuray, waxa uuna noqday hoggaamiye taageero badan heysta oo America ka dhigay mid siyaasad ahaan u kala qaybsan oo kala qaybsanaanteeduna ay gaadhay heerkii ugu sarreeyay wixii ka dambeeyay markii laga baxay Dagaalkii Sokeeye.