Ismaandhaaf Ka Taagan Maalmihii ugu Danbeeyey Kastamka Cashuuraha Kalabaydh iyo Xaalada Ka Taagan.

0

Gabiley(HNN):-Dhawaan ayey ahayd Markii la geeyey Mashiin lagu sheegay in lagu miisaamayo Cashuurta qaadka iyo wixii kala ee soomara kastamka kalabaydh, kaas oo lagaga maarmayo halkii markii hore ay boqolaal qof oo shaqaale muruqmaal ahi ay baabuurta qaadka kasoo rogi jireen kuna rari jireen gaadiidka kadib marka la miisaamo, balse hadda lagaga maarmayo mashiinkan miisaamaya gaadhigii oo raran islamarkaana uu gaadhigu fuulayo makiinadan oo loo diyaariyey in lagu miisaamo dhammaan wixii haddii ay tahay qaad iyo haddii ay tahay qaadka dalka soogala ee ka yimaada dalka itoobiya, waxaana muran xoogan oo ka dhashay miisaanka oo  meesha ka saarayey boqolaal qoys oo noloshoodu ku xidhnayd xamaalista ay muruqooda maalaan ee ka shaqeysta gaadiidka qaadka keena,sababtay in qaar kamid ah dadkaa garab raratada ah xabsiga loo taxaabo qasabna lagu marsiiyo gaadiidkii keenayey qaadka.

Iyadoo Bishii ugu danbeeyey xaalada kastamka kalabaydh ahayd mid murankiisu soo jiitamayey ayaa haddana ilaa shalay ilaa maanta waxaa muran xoogani soo kala dhex galay qaad cashuurta wakiilka u ah ganacsatada qaadka dalka keena iyo maamulka kastamka kalabaydh, kaas oo keenay in guud ahaanba ay joojiyaan in qaadadkii soo marayey kastamka ay dib u dhac weyni ku yimaado.

Hadaba khilaafka dhextaagan ganacsada qaadka iyo maamulka kastamka kalabaydh ayaa sobobay in  maanta ilaa caawa uu kastamka ku dhex xanibnaadaan gaadiid badan oo sida qaad halka caawa ay kastamka hada ku sugan yihiin gaadiid qaad sida oo tiradoodu kor udhaafaysa ilaa lix gaadhi oo raran kuwaasi oo iyagu ka biyo diiday in qaadkooda la saaro miisaanka halka maamulka kastamkuna ay ku adkaysteen in aan xaydaabka kastamka aanu ka bixi karin qaad aan marin miisaanka taasi oo circa kusii shareertay khilaafkii labada dhinac, xanibtayna shaqadii ka socotay kastamka.

Amarka wasaarada maaliyada iyo maamulka kastamka kazoo baxay ayaa ka hor imanaya hawlihii shaqo ee ka socday kastamka taasi oo hore usobobay in qaad badani ka leexdo kastamka kalabaydh islamarkaana ay maraan kastamada kale ee dalka oo aan iyagu la dhigin wax miisaan ah.

Dhanka kale wararka aanu hada ka helayno kastamka kalabaydh ayaa sheegaya in ay kastamka goordhawayd soo gaadheen agaasimaha guud ee wsaarada maaliyada iyo xubno kale oo katirsan wasaarada kuwaasi oo ku hawlan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka cakiran ee ka taagan kastamka kalabaydh.