Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo fariin u soo diray Shacbiga Somaliland ayaa yidhi “Waxaa murugo weyn nagu ah dabki xalay qabsaday suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

0

Hargeisa(HNN):-Dhibaatadii xalay ka dhacday magaalada Hargeysa wa mid aad iyo aad no tabatay hadan nu nahay reer jabuuti.

Waxaanu garab taaganahay shacabka walaalaha aan nahay ee reer Somaliland.
Waxa aan shaki ku jirin in ay ka bixi doonaan dhibkaas oo ay dib u dhisi doonaan magaaladoodii quruxda badnayd.
Anaguna waanu garab taaganahay sidaan had iyo jeerba waxba uga hakranin.
Waxaan saaka la hadlay Madaxweyne Muse Biixi, waxaana berri Hargeysa iman doona wefti ka socda Jabuuti.
Shacbi weynaha Somaliland iyo dalkoodaba Allaha xifdiyo oo dhibkan kheyr ha ugu badilo inshaaAllah.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya Fariintaasi madaxweyne Geelle ayaa yidhi “Mudane, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waan kaaga mahad-celinayaa dareenka naf-qaybsiga iyo walaaltinimada leh ee aad noo muujisay.
Waxa aan sidoo kale kaaga mahad-naqayaa taageerada joogtada ah ee aad nala garab joogto had iyo jeer.
Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogsoon yihiin taageerada joogtada ah ee Shacabka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti la garab taagnaayeen waligood. Waxa aan rajaynayaa in aan si wada-jir ah uga soo kabano masiibadan ka dhacday Hargeysa”.
May be an image of 1 person and text
May be a Twitter screenshot of 1 person and text that says 'Muse Bihi Abdi @musebiihi Mudane, Madaxweyne @IsmailQguelleh, waan kaaga mahad- celinayaa dareenka naf-qaybsiga iyo walaaltinimada leh ee aad noo muujisay. Waxa aan aan sidoo kale kaaga mahad- naqayaa taageerada joogtada ah ee aad nala garab joogto had iyo jeer. 1/2'