Agaasime Xukuumada Katirsan Oo Beeniyay Qaybo Kamid Ah Khudbadii Madaxwaynuhu Ka Horjeediyay Labada Gole.

0

Agaasmaha Guud Ee Wasaarada Shaqo galinta iyo Arimaha Bulshada Somaliland Cabdirashiid ayaa Si kale udhigay qaybo kamid ah khudbadii uu madaxwaynuhu ka horjeediyay laba gole kaasi oo madaxwaynuhu sheegay in 20,000 oo ah haween oo kala jooga 16 Magaalo oo ku kala yaala Gobollada dalka la gaadhsiiyey taageero dhaqaale oo gaadhaysa $640,000 Doollar maalgalintaasi oo ay fulisay wasaarada shaqo galinta iyo arimaha qoyska ee uu masuulkani agaasimaha ka yahay oo isagu isla saacado ka dib bogiisa ku baahiyay qoraal iyo shax ka duwan tii madaxwaynuhu bulshada usheegay taasi oo udhignayd sidan;

“20,000 oo ah haween oo kala jooga 16 Magaalo oo ku kala yaala Gobollada dalka la gaadhsiiyey taageero dhaqaale oo gaadhaysa $640,000 Doollar.Ayuu yidhi madaxwayne biixi.

Qoraalka Agaasimaha wasaarada shaqo galinta iyo arimaha bulshada ayaa isna sidan udhigay;
Dhanka kale xisbiyada mucaaridka iyo shacabka Somaliland ee ku kula baraha bulshada ayaa arintan ku tilmaamay mid ceeb ku ah qaranka islamarkaana madaxwaynihii qaranka khudbadi uu jeediyay isla wasaaradii usoo gudbisay ee ay ahayd wax qabadkeedu uu masuul katirsani uu hadalkii madaxwaynaha beeniyo isagoo soo bandhigay warbixin ku saabsan haweenka amaba qoysaska la maalgaliyay oo ka duwan tii madaxwaynuhu shacabka usheegay.