Komishineer Marwo Kaltuun Sheikh Xassan oo Daboolka Ka Qaaday Khilaafka Maamul ee Ka Dhex Jira Gudida Doorashooyinka Fariin u Dirtay Madaxweynaha Qaranka.

0

Hargeisa Marwo Kaltuun sh Xassan oo kamida ah xubnaha gudida komishanka doorashooyinka qaranka somaliland ayaa markii ugu horeysay daboolka ka qaaday khilaafka maamul ee ka dhex jira xubnaha gudida doorashooyinka somaliland, taas oo sababtay in dhawaan marwo kaltuun sh xassan loo doorto Gudoomiyaha Gudida Komishanka doorashooyinka qaranka somaliland.

Marwo Kaltuun Sheikh Xassan ayaa waxay si faahfaahsan uga waramay halka ay sartu ka qudhunsan tahay iyo khilaafka jiraa nooca uu yahay.

Marwo kaltuun ayaa sidoo kale waxay daboolka ka qaaday sababaha keenay in xilka laga qaado gudoomiyihii hore komishanka Cabdirashiid riyo Raac iyo arrimaha u sababta ahaa.

Waxaana ay sheegtay inuu jirto arrimo musuqmaasuq oo baahsan kaas oo sababta ugu weyn ahaa xil ka qaadista Gudoomiye C,rashiid Riyo Raac.