Komishanka Is Doortay Halaga Daayo Farogalinta oo Haloo Raaco Xeerarka iyo Sharciyadooda. Shacabka Gobolka Gabiley.

0

Gabiley(HNN):-Qaar Kamida Bulshada Gobolka gabiley oo maanta aragti ka bixiyey dhawaaqii shalay kasoo yeedhay gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo doortay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jsl Marwo Komishineer Kaltuun Sh Xassan madar Ayaa Sheegay In faraha lagaga baxo xubanaha komishanka doorashooyinka qaranka ee iyagu is doortay gudoomiyahana u doortay Marwo Kaltuun Sh Xassan.

Sidoo kale Waxay Meel adag ka istaageen haddii la taabto Marwo kaltuun oo ku matasha gobolka gabiley islamarkaana kamida haweenka aqoonyahanka ee kasoo jeeda gobolka gabiley in taasi macnaheedu noqonayo in loo jeedo bulshada gobolka gabiley oo ah gobolka lagu xisaabtamo codadkiisa ee kala saara asxaabta, laguna kala badiyo.

Aragtidan ay bulshada reer gabiley ka bixiyeen muranka iyo ka dashay doorashadii dhawaan xubnaha komishanka qaranka somaliland u doorteen marwo kaltuun sh Xassan inay iyadu tahay gudoomiyaha cusub ee komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ka danbeysay kadib markii maalintii shalay ay marwo kaltuun sh xassan shir jaraaid ay ku qabatay magaalada hargeisa si waafiya ugaga warantay arrimaha ka taagan komishanka qaranka iyo sababta keentay in la bedelo gudoomiyihii hore komishanka cabdirashiid riyo raac oo sida ay sheegtay gudoomiyaha cusub ku kacay awood maroorsi iyo falal musuqmaasuq oo baahsan.

Sidoo kale Shacabka Gabiley ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in la raaco xeerka komishanka qaranka jsl oo aan lagu sameyn farogalin dusha lagaga keeno.

Sidoo kale Waxay Marwo kaltuun sheikh xassan hoosta ka xariiqday kooxo gaar ah oo ay sheegtay inay ku hadideen inaaney ku matalin komishanka doorashooyinka qaranka maadaama ay kasoo jeedo Gobolka Gabiley.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warka Bulshada Gobolka Gabiley iyo Waxa ay Ka Yidhaahdeen.