Gacan Ka Hadal Saaka ka Dhacay Golaha Wakiilada Somaliland iyo Bilowga Dagaalkaasi Waxa Sababay.

0

Hargeisa(HNN):-Muran iyo ismaandhaaf ka dhashay ansixinta Gudidii dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi usoo magacaabay Furista ururada Siyaasada ayaa la horkeenay golaha wakiilada waxaana dood dheer iyo muran xoogan lagu ansixiyey afar kamida gudidadaasi, halka ay goluhu dib u celiyeen saddex kamida xubnaha gudidaasi, waxaana khilaafka ugu weyn ka yimid xildhibaanada mucaaradka iyo muxaafidka si xoogan arrinta isaga soo horjeeday ayaa sababay dagaal golaha ka dhacay.