Muwaadin Aarre Saleebaan Cawleed Oo Maanta La Horgeeyey Maxkamada Degmada Gabiley.

0

Gabiley(HNN):-Qoyska Aare Saleebaan Cawleed oo ah Muwaadin dhalasho ahaan ku abtirsada somaliland iyo dalka jabuutiba saddexdii cisho ee ugu danbeeyeyna ku xidhnaa magaalada gabiley ayaa walaac xoogan ka muujiyey dacwada loo haysto,waxaanay sheegeen qoyska wiilkan xidhani in kadib markii saaka maxkamada la horgeeyey danbiga lagu soo eedeeyey uu ahaa in facebookgiis uu ku faafiyey muuqaalo aflagaado ah

Waxaanay Qoyska ehelada Muwaadinkani sheegeen in aaney Ilaa hadda garanaynin Cida Dacwaynaysa iyo cida soo eedaysay ee uu u xidhan yahayba.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Qoyska Oo Ka Hadlay Arrimahaasi.