Maxkamada Gobolka Gabiley Oo Markale 7Cisho Rumaan Ah Udirtay Aare Saleebaan Cawleed Iyo Wer Werka Laga Qabo In Xukuumada Somaliland Ugacan Galiso Dawlada Jabuuti.

0

GABILEY (HNN)-Aare Souleiman Cawleed Oo ah Wiil Dhalasho Ahaan kazoo jeeda Somaliland Iyo Jabbuuti mudo cisho ah Ku Xidhan saldhigga dhexe ee Magaalada Gabilay ayaa markii Labaad maxkamada Gobol/Degmo ee gabiley udirtay rumaan 7Cisho ah (xabsi ku sii hayn ah) kaasi oo ay dalbadeen Haayadaha gacanta ku haya kiisiisu.

Aare Saleebaan Cawleed ayaa sida Wararka aanu ka helayno Xadhigiisa sheegeen waxaa loo haystaa dhaliilo uu baraha Bulshada uga jeediyay madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, balse aan loo haysan danbi Uu ka galay Xukuumada Somaliland isagoo hore uga soo cararay dalka Jabuuti oo isagu ah dal shacabkiisu aanay waxba ka sheegi Karin Maamulka Madaxwayne geele oo dalka mudo badan haystay Islamarkaana dadka dhaliila udira xabsi dheer iyo tacadiyo loo gaysto.

Muuqaallo uu hore uduubay Aarre, ayuu wuxuu ku sheegay in Uu ka cabsi qabo in Somaliland u dhiibto dawladda Jabbuuti isagoo shacabka Somaliland oo ah reer Abtiyaashii ka codsaday in ay ka badbaadiyaan in loo gacan galiyo jabuuti.

Shacabka reer gabiley iyo guud ahaan shacabka Somaliland oo maalmihii hore ka hadlay xadhigiisa ayaa maalmahan kaga Mashquulay Muranka iyo khilaafka siyaasadeed ee xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka oo halkii ugu saraysay Maraya, wallow uu Aare saleebaan saldhiga dhexe ee Magaalada gabiley kasoo naawilayo hiilka iyo gurmadka Shacabka xorta ee reer Somaliland.

Warar Aan ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland Ay qorshaynayso in Arreh Souleiman Aouled Arreh ay u gacan galiso dawladda Jabuuti iyada ay dadka baraha bulshada wax ku qoraa ka digayaan arrintaasi.

Sidoo kale wararka kazoo baxaya xadhiga Aare saleebaan Cawleed ee la xidhiidha in loo gacan galiyo dalka jabuuti ayaa ku sobobayna qodobada lagu soo eedeeyay oo ah in uu Somaliland ka dhex Aflagaadeeyay dalka oo ah jabuuti islamarkaana qodobada uu ku eedaysan Mid kamid ahi Uu yahay qodobka 211 oo ay suurto gal tahay in xukuumada Somaliland aare umustaafuriso dalka jabuuti taasi oo hadii ay dhacdo halis galinaysa Aare saleebaan cawleed oo laga yaabo in xukuumada madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ula dhaqanto sidii askarigii ka baxsaday ee Fu,aad oo ay usoo gacan galisay dawlada Itoobiya kaasi oo wali ku xidhan jeelka jabuuti.

Xukuumada Somaliland ayaa hore dalka jabuuti ugu gacan galisay muwaadin reer Somaliland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh Cabdilaahi kana soo jeeday isla gobolka gabiley ee hada aare ku xidhan yahay, kaasi oo mudo 8sano ah Aan raq iyo ruux Midna laga haynin, Iyadoo ehelkiisii iyo caruurtii uu dhalayna ay gabiley ka dhex ooyayaan talaabadaasi oo dhaawac iyo fool xumo ku ah Somaliland, Halka Aanay waxba ka fulin balamo uu madaxwaynaha Somaliland muuse biixi ku sheegay in uu ka hawl galayo sidii looga soo dayn lahaa xabsiga gabood ee magaalada jabuuti oo uu ku xidhnaa markii udanbaysay.

NB; Waxaa xusid Mudan In Aare Saleebaan Cawleed Ay dhashay Marwo Sacaada Maxamuud Cabsiiye oo ay Ilma Abti Ruma Yihiin Madaxwaynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi oo xukuumadiisa looga wer Wersan Yahay In Ay Ugacan Galiso Dawlada Jabuuti wiilkii ay dhashay, taasi oo iyana ah mid taariikh kale noqonaysa hadii ay suurto gasho in jabuuti ay udhiibto Aare.

Madaxwaynaha Somaliland iyo qoyska madaxtooyada jabuuti ayaa leh xidhiidh dhow, iyadoo xukuumada jabuuti door wayn ku lahaayeen guushii madaxwayne biixi ku noqday madaxwaynaha jsl, ee doorashadii madaxtooyada Ee 2017 oo ay ku bixiyeen xoog iyo xoolaba.