AARRE Suleebaan oo Wali Ku Xidhan Gabiley iyo Maxkamada oo Markii 3aad la horgeeyey.

0

GABILEY(HNN):-Waxaa wali ku xidhan magaalada gabiley muwaadin AARRE saleebaan cawleed oo in ka badan 20 cisho ku jira xabsiga, muwaadinkan oo dhalasho ahaan kasoo jeeda djibouti, dhinac kalena ah muwaadin reer somaliland ah oo dhawrkii sano ee ugu danbeeyey ku noolaa magaalada gabiley ayaa markii saddexaad la horgeeyey maxkamada Gobol degmo gabiley, waxaana dib loogu celiyey markii saddexaad rumaaan ay ka codsadeen boolisku inay kusoo dhamaystiraan eeda loo haysto.

 

Inta laga war qabo muwaadinkan ayaa xadhigiisa loo Aanaynayaa Dhaliilo xoogan oo hawada u marin jiray Taliska xukuumada Madaxweynaha jabuuti ismaaciil cumar geele oo baraha bulshada u marin jiray dhaliilo uu aad ugaga hadli jiray duruurfaha dhabta ah ee ka jira dalkaasi.

 

Waxaana muuqaalo kala duwan oo kusoo dhex duubay uu ka codsaday shacabka jamhuuriyada somaliland inaan loo dhiibin dawlada djibouti, sidii hore u dhacday ee loogu gacan galiyey muwaadin reer somaliland ah C C raxmaan Sh C.laahi oo dawladii Axmed Silaanyo ay u gudbisay dawlada djibouti oo ilaa hadda ku xidhan dalkaasi muddo gaadhaysa 10 sano.

 

Haddalada uu hore Aarre saleebaan uga soo dhex diray jeelka gabiley ayaa waxaa kamid ahaa inaan dawlada somaliland u gacan galin jabuuti, oo aaney dhicin sidii dawlada somalia ay itoobiya ugu gacan galisay Qalbi dhagax oo markii danbe la ogaa fadeexadii ka dhalatay iyo wixii ka raacay xukuumadii madaxweyne farmaajo.

 

Ma jirto xogaha aanu helnay eedayn rasmiya oo uu Xafiiska Xeer ilaalinta gobolka gabiley horgeeyey maxkamada muddadaas sadexda jeer ah ee la horgeeyey.

 

Shacabka Somaliland ayaa u dheg taagaya Talaaba xigta ee ay qaado xukuumada somaliland, oo haddii ay u suurto gasho in loo gacan galiyo dalkaas djibouti ay ku noqon doonto xukuumada Talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi Bar madow oo taariikhda u gasha.

 

Xogaha qaar ayaa sheegaya in wiilkan ay qoys dhaw yihiin Madaxweynaha Qaranka somaliland oo aaney sinaba u suurto gal ahayn in la dhiibo.

 

Isku soo duuduuboo shacabka jsl ayaa u dheg taagaya halka uu ku danbeeyo kiisa loo haysto iyo dacwada lagu soo oogo ee ay xeer ilaalintu horkeento maxkamada.

 

LA SOCO WIXII WARAR AH EE KASOO KORDHA.