Gudoomiyihii Dhawaan Loo Doortay Komishanka Qaranka Kaltuun Sh Hassan oo Warkan Kasoo Saartay Iscasilaadeeda.

0

Waxa qortay Komishineer Kaltuun Sh Xasan Cabdi;

Maanta oo ay taariikhdu tahay 04/June/22, waxa aan u gudbiyay Madaxweynaha JSL Muddane Muuse Biixi Cabdi, qoraal aan ku cadeeyay in aan ka tanaasulay xubinimadii Komishanka Dooranshooyinka iyo Guddoomiyenimadiiba.

Waxa aan ku faraxsanahay in aan ka mid ahaa Komishankii qabtay diiwaangelintii codbixiyayaasha ee 2016, doorashadii madaxtooyada ee 2017, diiwaangelintii iyo doorashadii isku sidkanayd ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee 2021, intuba waxay u qabsoomeen sidii ugu quruxda badnayd, ugu nabadgelyo badnayd, Dalka JSL wuxuu ku helay magac iyo qiimeyn Qaranimo.

Waxa aan qiimeeyay muhiimada qabsoomida doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland, waana saldhiga nabadgelyo ee aynu ka iibino dalalka Jaarka iyo caalamka intiisa kaleba, sidaa aawadeed waxa aan go’aansaday in aanan ka mid noqon qof lagu sunto dib u dhac ku yimaada qaranka JSL oo aan ka tanaasulo xilkii aan Qaranka u hayay.

Ugu danbayn, waxa aan u soo jeedinayaa Madaxweynaha JSL, Golaha Guurtida iyo Xisbiyada mucaaridka ah in ay si deg-deg ah u soo magacaabaan xubnaha Komishanka Doorashooyinka si aanu ugu wareejino xilka, loogana hor tago dib u dhac ku yimaada doorashooyinka soo socda.

Kaltuun Sh. Xassan Cabdi