Wefti Ka Socda Somaliland Oo Adis-Ababa Kaga Qaybgaley Xidhitaanka Carwada Ganacsiga 12th Ee Ethio- Chamber international Trade Fair.

0


Ethiopia(HNN)- Wefti ka socda Dowladda jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan 8Ganacsato reer Somaliland ahi ayaa caawa ka qayb galey munaasibad loo sameeyey xidhitaanka Carwo Ganacsiyeedka 12aad ee Ethio- Chamber international Trade Fair oo lagu qabtey Magaalada Adisababa ee caasumada Ethiopia.
Weftigan oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cismaan Siciid ayaa kulamo isxogwareysi ah oo barbar socdey xaflada Xidhitaanka Carwadaas ,waxay si gaar gaar ah ula yeesheen Madax ka tirsan Dowlada Federalka Itoobiya oo uu ka mid yahay Wasiirka Shaqo gelinta Mr.Nigussu Tilahun Gebreamanuel iyo Gudoomiyaha rugta ganacsiga Ethiopia Mr. Melaku Ezezee.
Sidoo kale, Weftiga Dowladda Somaliland waxay kulamo kala duwan la yeesheen Ganacsatada ka soo qayb gashey Munaasibadaas oo isugu jirey Tijaar iyo Maalgashadayaal Ethiopia ah iyo kuwo ajnebi ah,kuwaas oo isugu jirey qaar qayb ka ahaa carwada iyo kuwo Lagu martiqaadey oo ka kala socdey Waddamo Africa ah iyo beesha Caalamka.
Kulamadan oo ku soo idlaadey is fahan waxaa hawsha diyaarintooda iyo isku duboridkooda kaalin weyn ka qaadatey Safaarada Somaliland eedalka Ethiopia iyo shirkada Yagleel.