Jaamacada Alpha University Oo Qabatay Tababar La Xidhiidha Ka hortaga khatarta iyo Maarayntooda

0

Jaamacada Alpha Oo Qabatay Tababar La Xidhiidha Ka hortaga khatarta iyo Maarayntood.
Hargeisa(HNN):- Munaasibad Tababar ah oo socon doonta muddo laba cisho ah ayaa ay maanta madaxda jaamacada Alpha University u fureen Ardayda Jaamacadaasi, ujeedada Tababarkan ayaa ahaa sidii ardayda loogu wacyigalin lahaa ka hortaga khataraha iyo dhibaatooyin iyo maarayntooda (RISK MANAGMENT).
Madaxda jaamacada martisharaf ka socoday shirkadaha isgaadhsiinta iyo Barayaaasha jaamacada ayaa ardayda uga waramay sidii looga hor tagi lahaa khataraha dhaca iyagoo tusaale usoo qaatay sida dabkii dhawaan ka kacay suuqa waaheen oo galaaftay dhamaanba hantidii ganacsatada suuqa waaheen.
Waxaana aqoonyahanka jaamacadu ardayda ku tababari doonaan labadaa cisho aqoonta ka hortaga dhibta iyo maarayntooda iyagoo ardayda kula dardaarmay inay ka faaiidaystan culuunta la barayo.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka