Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wafti heer sare ah oo ka socda hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta warshadaha ee UNIDO.

0

Hargeysa (HNN)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Abdilahi Abdirahman Aare oo ay wehelinayaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Mohamed Osman Saed iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Warshadaha Fuad Rashid Bullo ayaa manta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafti heer sare ah oo ka socda hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta warshadaha ee UNIDO.

waftigan oo uu hogaaminayay u qaabilsanaha dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Ygor Scarcia iyo Mr. Arup Baruah oo ah khabiir ka tirsan UNIDO iyo sidoo kale laba xubnood oo farsamo. Waftigan ayey ujeedadiisu ahayd sidii ay Somaliland ula bilaabi lahaayeen isla markaana uga caawinn lahaayeen barnaamijyada horumarinta maalgashiga iyo warshadaha maadaamo oo ay ahayd markii ugu horeysay ee ay UNIDO timaado dalka isla markaana aanay hore uga shaqayn jirin balse dadaal iyo xidhiidho is daba jooga oo ay wasaaraddu samaysay ayaa sababtay inay waftigani dalka soo gaadhaan.

Ugu horeyn Wasiirka ayaa waftigan ka socday hayada qaramada midoobay ee horumarinta warshadaha ee UNIDO uga mahad naqay imaanshiyaha ay dalka yimaadeen iyo aajiibida ay wasaaradda ka ajiibeen dalabkii ay u dirsatay sidoo kale Wasiirka ayaa warbixin ka siiyay xaalada guud ee dalka mida dhaqan dhaqaale iyo guud ahaan shaqada iyo waajibaadka ay Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshaduhu u hayso dalka. Sidoo kale wuxu wasiirku waftiga usoo bandhigay meelaha ay wasaarad ahaan rabto inay kala shaqayso hayada UNIDO iyo sidoo kale meelaha mudnaanta u leh Wasaaradda meelaha uu wasiirku diirada saaray ayey ka mid ahaayeen:-
• Diyaarinta Siyaasadda iyo Xeerka Horumarinta Warshadaha
• Dhisida aaga warshadaha ee dalka gaar ahaan ka Hargaysa
• Samaynta daraasado iyo cilmi baadhisyo khuseeya warshadah
• Kor u qaadista aqoonta iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda iyo wasaaraddaba
• Helida khubaro ku takhasustay aqoonta warshadaha Iyo dhamaan mashaariicda kor u qaadaya horumarinta maalgashiga iyo warshadaha dalka.

Dhinaca kale xubnaha ugu sareeya Hayada UNIDO ee dalka yimid ayaa uga mahadnaqay Wasiirka, Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Warshadaha iyo guud ahaanba Wasaaradda soo dhawaynta diiran iyo waji furnaanta ay kusoo dhaweyeen waftiga iyagoo waftigu muujiyay siday u xiisaynayaa wada shaqaynta ay rajaynayaan inay la yeeshaan Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo imaanshahooda ay yimaadeen Somaliland.

Sidoo kale waftigu iyagoo ka wakiil ah Hayada UNIDO isla markaana afkooda ku hadlaya waxay balan qaadeen inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga bilaabi doonaan Somaliland mashaariic lagu horumarinayo maalgashiga iyo warshadaha dalka iyo sidoo kale kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland.

Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo waftiga UNIDO ayaa isla qaatay inay bilaabaan xidhiidho joogto ah oo ay yeeshaan masuuliyiinta labada dhina ee xaga farsamadu si ay isula meel dhigaan isla markaana isula qaataan meelaha mudnaanta u leh labada geesood ee laga wada shaqayn doono. Kulankuna wuxu kusoo idlaaday is af garad iyo Isfahan laga gaadhay dhamaan arimihii laga wada hadlay.