Wefdi Xukuumadda Somaliland ah oo Kulan la Yeeshay Madaxweynaha Jabuuti.

0

Djibouti(HNN):-Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku joogay dalka Djibouti ayaa ka qayb galay xuska sannad guurada 45aad ee kasoo wareegtay maalintii ay gobannimada qaateen.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayey oo socdaal ku jooga dalka Jabuuti ayaa la sheegay inay kulan la yeesheen Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geele.

Kulanka Wefdiga Somaliland iyo Madaxweynaha Jabuuti, Md. Ismaacil Cumar Geele, inkastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin, waxa la sheegay inuu jawi fiican ku dhamaaday, isla markaana u gudbiyeen dhambaal hambalyo ah oo wefdigu ka sideen Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi

Wefdiga Dr. Ciise oo xubno ka ahaayeen Wasiirka Biyaha Md. Cali mareexaan, Wasiirka Reer-miyiga Md. Axmed Adan Jaamac iyo safiirka JSL ee Jabuuti Md. Cabdifataax ayaa ka qeybgalay munaasibadii maalinta Qaranimada Jabuuti oo lagu casuumay.

Xubnaha wefdiga oo mudadii ay joogeen kulamo la yeeshay madaxda dalka Jabuuti, ayaa Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Keyd la sheegay inuu kulan la yeeshay dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Jabuuti, halka Wasiirka Biyaha Cali Mareexaan isaguna kulan la yeeshay Wasiirka Biyaha Jabuuti ayaa la filayaa inay maanta dib ugu soo noqdaan dalka.

Dalalka JSL iyo Jabuuti oo mudadii xukuumada wakhtigan xilka haysay xidhiidhkoodu sii kordhayey, ayaa wadaaga iskaashi dhinacyo badan, nabadgelyada, caafimaadka, iwm.