Dayacnaanta Wajaale Iyo Dareenka Madaxweyne Biixi.

0

Warar Xogogaal Ah Ayaa Sheegaya in Dhawaan Magaalada Wajaale Ee Gobolka Gabiley loo Magacaabayo Maamul Cusub, Kadib Markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Uu Sheegay in Wajaale ay u Baahan-Tahay Maamul Fiican, Isagoo Saluug ka muujiyay Maamulka Hada Jooga oo uu Madaxweynuhu Ku Sheegay Kuwo Aan Odorisi Karin Hanaanka Maamul Ee Wajaale U Baahan-Tahay.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici Ayaa Hore U Sheegay in Dhaqaalaha Wajaale Soo Gala Ku Filan Yahay, Balse Farsamo Xumo Jirto isagoo is Barbar Dhigay Wajaaleda Itoobiya oo Uu La Cajabay Hormarka Ay Ku Talaabsatay Xaga Wajaaleda Somaliland uu Ka Dayriyay Nooca Ay U Eegtahay oo Ku Tilmaamay Meel Qashin Daadsan-Yahay.

Xildhibaan Yaxye Araarse oo Ka Mida Golaha Wakiilada Somaliland oo Ka Dareen Celinayay Hadalka Ka Soo Yeedhay Saylici Ayaa Uga Makhraati Kacay in Magaalada Wajaale Maamulka Jooga Ay Hagradeen oo Labada Daamood Ee Wajaale Ay Kaaf iyo Kala Dheeri Yihiin Isagoo Xusay inaanu Fahansaneyn Xaga Ay Waxka Qaldanyihiin Ee Lacagta Marto.

Masuuliyiin Badan Ayaa iska Xaadiriyay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland iyagoo Doorbidaya in Ay Xilal Ka Qabtaan Degmada Wajaale Ee Gobolka Gabiley Maadama Madaxweyne Biixi Ku Dhawaaqay in Maamul Cusub Loo Baahan-Yahay.

Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale oo Dhaqaale Badan Soo Gallo ayaa Ka Aradan Adeegyada Bulshada oo Ay ugu Horeeyaan Wado la’aanta Bulshada Haysata iyo Xiliyada Roobka oo isku Socodka bulshadu iyo Ganacsigu uu Hakad-Galo Sida Ay Bulshadu Noo Cadeeyeen Ka Warbaahin Ahaan.

Jacfar Cawil Hereri.