Faysal Cali Waraabe oo jawaabay kulul ka bixiyay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya.

0

Hargeisa(HNN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa afxumo ku tilmaamay hadalkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in aanu aqbalayn madaxbannaanida Somaliland.

Faysal waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh aanu wax saamayn ah ku lahayn siyaasada Somaliland, isla markaana aanu xataa u talin ismaamul goboleedyada Soomaaliya ka jira, isaga oo sheegay in Xasan Sheekh ay tiisii cuslaysay.

“Waan ka xumahay Xasan Sheekh in uu waxa ku hadlo, afkuu iska xumeeyay, wuxuu saamayn inagu leeyahay Xasan Sheekh ma jirto, tiisa ayaa cuslaysay, Soomaaliya 5 dowladood oo qabaa’il ku salaysan ayaa kamid ah, midna saamayn kuma leh” ayuu yidhi Faysal.

Faysal waxa uu sheegay in dowladnimada Somaliland ay xoog ku timid, oo shacabku ay qori caaradii kusoo celiyeen, kadib markii si hiyi kac ah reer Somaliland ula midoobeen Soomaaliyadii Talyaaniga ka xorowday 1, July, 1960.

“Inagu dalkeena gacanta ayaynu ku haynaa oo cid aan baryaynaa ma jirto, xoog ayaynu kusoo ceshanay waliba bilaash kumaynaan soo ceshan, dowladnimadii aynu hiyi kaca ku bixinay waxay inagu qaadatay in aynu 10 sanno waxaynu dad iyo xoolo haynay ku bixino” ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu dhiirigalin siiyay madaxda Soomaaliya, kadib markii uu ogolaaday in uu wadahadalo la furo Muqdisho sannadkii 2012, taasi oo uu sheegay in loo arkay in Somaliland ay rabto in ay ku noqoto midowgii.

Waxa kale oo uu sheegay in khilaafka doorashooyinka ee hada taagani, uu isna sabab u yahay in madaxweyne Xasan uu Somaliland arrimaheeda faragaliyo.