Ayaan Muxumed Axmed oo loo Garan og yahay Ayaan Toromso ayaa Loo Caleemo Saaray Fanaanadii ugu Wanaagsanayd Sanadkan 2022ka Fanaaniinta Soomaalida.

0

Ayaan Muxumed Axmed oo loo Garan og yahay Ayaan Toromso ayaa Loo Caleemo Saaray Fanaanadii ugu Wanaagsanayd Sanadkan 2022ka Fanaaniinta Soomaalida.

 

LONDON(HNN):-Xaflada Caleemo Saarka oo ka dhacday Magaalada London ayaa Waxaa Bilad iyo Abaal Marinba Gudoonsiiyey Gudida Soomaali Week oo iyagu xaflada soo Qabanqaabiyey Fanaanada Sanadkana u Gartay Ayaan Toromso.

Hambalyo ayaan Leeyahay Walaashay Ayaan Muhamed Ahmed Waa Fanaanad isku Darsatay Qurux iyo Cod iyo Qalbi Wanaag.

Waa Fanaanad Markay Heesayso iyo Markay Hadlayso Codkeedu isku mid Yahay Sidan Fanaaniintu Ma wada aha waayo Qaar baa Sanqo isku yeela markay Heesayaan qaar kale ayaa codka dhuuba ama weyneeya laakiin qofka codka dabiiciga ah leh ayaa ay isku mid yihiin markuu heesayo jyo markuu hadlayo waxaana Tusaale u soo qaadan Karnaa Fanaanka Weyn ee Axmed Cali Cigaal oo isna Markuu Heesayo iyo markuu hadlayo waa isku Mid.

Gebogebada Hambalyo Ayaan Muxumed Axmed