Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa dhamaystirtay Qorshe sanadeedkeeda 2023.

0

Hargeisa(HNN):-Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ayaa dhamaystirtay Qorshe sanadeedkeeda 2023

Kulan uga qabsoomay Hotelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa kulankaas oo lagu diyaarinayey Qorshaha Sanadka 2023, oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaraddu Dr. Cabdiweli Cabdullahi Suufi, uuna goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaraddu Yuusuf Warsame Xassan, oo ay wehelinayeen Agaasime waaxeedyadda, iyo la-taliyayaasha wasaaraddu.

 

Kulankaas oo lagu lafa-guray laguna dhamaystiray Qorshe Sanadeedka Wasaaraddu ku shaqayn doonto Sanadka 2023 (2023 Annual Work plan).

 

Waxa sidoo kale, kulanka laysku weydaarsadey xoggo iyo macluumaad ku saabsan sidii kor loogu qaadilahaa shaqadda ay Wasaaraddu u hayso Qaranka, isla markaana loosii dardargelinlahaa Qorshayaasha Wasaaradda iyadoo laga duulayo wixii ka qabsoomay Qorshihii Sandkan dhamaanaya ee 2022 iyo khibradihii laga dhaxlay.