Wiil Dhawaaan Warbaahinta Aflagaado Qaawan U Mariyey Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo Shaaca Ka Qaaday Cida Usoo Adeegsatay.

0

Hargeisa(HNN):-Mursal Maxamed odowaa oo kamida dhalinyarta ku abtirsata deegaan ahaa gobolka gabiley ayaa dhawaan warbaahinta lasoo istaagay aflagaado qaawan oo ka baxsan anshaxa iyo milgaha qofnimo taas oo uu u gaystay wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta Jsl Dr Cabdiweli sheekh suufi jibriil.

Hadaba Wiilkan oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa raali galin ka bixiyey hadaladaa deelqaafka ah eee uu u gaystay wasiirka waxaana uu shaaca ka qaaday cida ka danbeysay ee usoo dhiibtay iyo shaqsiyada ka danbeysay inuu hadlo.

Wiilkan ayaa sheegay in wasiirkii hore wasaarada Warshadaha ee xukuumadii madaxweyne Siilaayo Shacab Maxamed Muuse uu ahaa shaqsiga ka danbeeyey ee usoo dhiibay aflagaadadaa qaawan ee hore uu wiilkani warbaahinta ugu soo mariyey wasiirka.

Inkasta oo ay qoys dhow yihiin masuulkan ka danbeeyey aflagaadada wasiirka ee soo adeegsaday wiilkan, ayaa dadka siyaasada falaqeeyaa aad ula yaabeen ficilada foosha xun ee masuulkan hore xilka usoo qabtay uu ku talaabsanayey bilihii ugu danbeeyey.

 

Halkan Ka Daawo Muuqaal Wiilkani Ku Sheegay Cidda Soo Adeegsatay Kuna Raaligaliyey Wasiirka Isgaadhsiinta Jsl.