Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland oo Habeenkii Xalay Abaalmarisay Shaqaalihii ugu Wanaagsanaa Sannadkii Dhammaaday 2022ka.

0

Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland oo Habeenkii Xalay Abaalmarisay Shaqaalihii ugu Wanaagsanaa Sannadkii Dhammaaday 2022ka.

 

Hargeisa(GNN):- Munaasibad balaadhan oo habeenkii xalay ahaa lagu qabtay xarunta hoolka shaqaalaha dawlada somaliland ayaa wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland ayaa abaalmarisay shaqaalihii ugu wanaagsanaa ee sannadkii dhammaaday wasaarada isgaadhsiinta jsl.

Nuxurka Khudbado kala duwan oo ay ka jeediyeen madaxda wasaarada isgaadhsiinta oo ugu horeeyo wasiirka Isgaadhsiinta Jsl Dr Abdiweli Sheekh Suufi jibriil iyo Madax kale oo ka socotay hayadaha qaranka somaliland ayaa ku amaanay shaqaalaha muujiyey shaqo wanaaaga sanadkii dhammaaday ee 2022