Dawlada Somaliland Oo Qorshaynaysa in Xuska Maalinta Qaran ee 18 May Si Weyn Looga Xuso Taliska Ciidamada Qaranka Gobolka Sool ee Goojacade & Guud Ahaan Gobolada Dalka.

0

Sool(HNN):-Xukuumada Somaliland oo Labadii bilood ee ugu danbeeyey ku jirtay diyaargarow balaadhan oo ku aadan xuska maalinta qaran ee 18may ayaa wadda qorshe balaadhan oo ka xoogan kuwii hore loo qaban jiray waxaan hadda xukuumada somaliland amar ku bixisay in xuska maalinta qaran ee 18may si weyn looga xuso guud ahaan gobolada somaliland gaar ahaan Taliska Ciidamada Qaranka Somaliland ee Gobolka Sool ee Lagu Magacaabo Goojacade oo bilihii ugu danbeeyey si weyn ay bulshadu u baratay, waxaana wakhtigan oo xukuumada somaliland ay dagaal kula jirto kacdoono ka dhashay bilihii ina soo dhaafay xarunta gobolka sool kaas oo ay hore uga dheceen dagaal xoogani iskuna soo bahaysteen kooxo isugu jira ciidan beeloodyo laga soo abaabulay maamulka somalia ee majeerteeniya puthland iyo kooxo isugu jira argagaxiso kuwaas oo dhufays ka dhigtay qadiyada kacdoonka shacabka gobolk a sool markii hore ka cadhooday dilal qorshaysan oo ka dhici jiray gudaha magaalada laascaanood oo ay cabasho xoogan ka muujiyeen.

Xukuumada Somaliland oo meel adag iska taagtay doonista kooxaha huwanta ah ee gobolka sool isku soo urursaday oo ahayd raba in xukuumada somaliland ay ciidamadeeda qaranka kala soo baxdo gobolka sool ayaa meel adag ka istaagtay rabitaankaa isagoo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi cabdi sheegay in xuduudaha somaliland yihiin kuwii uu dhigay ingiriisku sidaa darteeda aaney ciidamada qaranka somaliled kasoo laaban doonin amarka ciidamada qaranka somaliland.