Mujaahid Siciid Indhool Oo Booqasho Ku Tagay Xarumihii Halganka ee Lagu Daaweeyey Dhaawaciisa.

0

Hargeisa(HNN):-Mujaahid Siciid Indhool oo kamida Mujaahidiintii usoo halgamay qaranimada Somaliland isagoo ahaa raggii laxaad araga u beelay kadib markii ay biino ku qaraxday ayaa manta booqasho ku tagay xaruntii halganka ee gobolka hawd magaalo madaxdiisa baligudbale.

Baligubadle oo ah sida uu sheegay halkii dhaawaciisa lagu dhayey

Ayaa Waxaa mujaahidka oo ay halkaasi kusoo dhaweeyeen dadka deegaanka iyo masuuliyiin kala duwan uu ku dheeraaday taariikhihii ay kusoo mareen xaruntii halganka ee baligubadle.

Isagoo sidoo kale kormeer kusoo maray goobaha taariikhiga ah ee ku suntan halganka qaranimada Somaliland oo ay saldhig u ahayd baligudbadle.

 

 

 

 

Sidoo kale waxaa isaguna kusoo dhaweeyey gudoomiyaha ururka indhoolayaasha Somaliland Mahdi Muuse Jaamac. Isagoo ku dheeraaday taariikhda uu ku leeyahay mujaahidku magaalada baligubadle.