Fahad Yaasiin iyo Farmaajo Oo Durba Bilaabay Dagaal Ka Dhan ah Doorashada Shirgudoonka Golaha+ Xogaha La Helay.

0

Muqdisho(HNN):-Ilo wareedyo kala duwan oo ay la xidhiidhay shabakada hadhwadaagnews ayaa u xaqiijiyey sida ay maanta wax uga dhaceen xarunta baarlamaanka somalia oo la rabay maantaba in lagu doorto shirgudoonka golaha shacabka somaaliya, waxaana halkaas oo ay soo buuxdhaafiyeen badiba mudanayaasha lasoo doortay lagu garaacay hoobiyeyaal laga soo tuuray goobo aan ka fogayn xarunta shirku ka dhacayey, waxaana xogo hoose tilmaameen in qorshahan ay ka dambeeyaan madaxweynaha wakhtigu ka dhammaaday ee maxamed c,laahi farmaajo iyo fahad yaasiin xaaji daahir oo isna laga reebay kamid noqoshada golaha shacabka somalia, taasina ay tahay sababta keentay in maalintii ugu horeysay ee kulanka mudanayaasha la banaysto dhiigooda,

xildhibaanaddii ku sugnaa madashan ayaa ka dareen celiyey falkan maanta ka dhacay xarunta iyagoo arrintaana tilmaamay in aaney ahayn mid ay kooxda alshabaab ka danbeysay balse ay ahaayeen madaafiic lagu cabsi galinayo iyaga islamarkaana la rabo inaaney dhicin doorashada baarlamaanka somalia.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu Alle ka samata bixiyey weerarka isaga oo xusay inay shaqsi ahaan isaga dhaawacmeyn 2 askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa.

“Wuxuu Alle maanta naga samata bixiyey hoobiye lagu garaacay xarunta Golaha Shacabka, waxaa ku dhaawacmay dad badan oo ay labo ka mid ah ilaaladayda gaar ah yihiin. Waxaan Alle uga baryayaa caafimaad degdeg ah iyaga iyo inta kale ee dhaawaca ah. Hoobiyuhu uma muuqan mid meel fog ka yimid, wuxuuna qayb ka yahay qalqal gelinta amniga iyo isku dayga dib loogu dhigayo doorashada. Hadda ka dib waa in kulamada, khudbadaha iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo ku xigeennadooda lagu qabtaa Teendhada Afisyoone, si aan dib looga dhicin doorashada,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Sidoo kale xildhibaan Qaali Shire oo kamid ah xildhibaanada cusub ee soo galay baarlamaanka 11-aad ayaa shaki gelisay in madaafiicdaas ay soo tureen kooxda Al-Shabaab.

“Madfacaas Askari meesha taagnaa uu ka fakaday waa yeelayaa lakiin meel fog uu ka yimid cidii loo shegaa waa ciyaal dadka anaa ugu dhawaa oo banaanka joogay,” ayey ku tiri Qaali Shire qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaanada ugu miisaanka culus baarlamanka Soomaaliya ayaa isna sheegay in ujeedada madaafiic lagu garaacay xarunta Baarlamaanka ay aheyd in la baqdin geliyo.

“Markii ay u socon weysay isbaaradii ay rabeen in ay u dhigtaan doorashada Guddoonka Barlamaanka ayay Hoobiye noogu badaleen si naloo baqdin geliyo. Iyadiina waa socon weysay!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay ayaa ujeedada weerarkii hoobiyayaasha ku tilmaamay inuu ahaa mid fuleynimo ah oo lagu cabsi gelinayey baarlamaanka, si loo carqaladeeyo dhameystirka doorashada.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in deg deg ah loogu doorto guddoonka labada aqal, ayada oo ujeedaduna ay tahay in Fahad Yaasiin la dhaafiyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas iyadoo sheegtay in madaafiicdu ay dhaawaceen ugu yaraan 7 ruux oo isugu jira shaqaalaha Baarlamaanka iyo askar ilaalo u ahayd qaar ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka.