Somaliland Xubno Isugu Jira Siyaasiyiin Aqoonyahan iyo Waayeel Oo Sheegay Inay Raaligalin Ka Bixinayaan Hadalkii Taliye Nuux.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Xubno isugu jira Aqoonyahan, Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Deegaamada Somaliland ayaa raali-gelin ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo sheegay in Ciidamo u goostay Puntland ay kamid ahaayeen Askar aan dalka Daacad u ahayn oo khiyaamayey Qaranka.

Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen Aqoonyahannadan iyo Siyaasiyiintan, goob-joogna ay ka ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa laga soo saaray baaq hadalkaasi taliyaha lagaga raaligelinayo Shacbiga Somaliland, gaar ahaan Bulshada ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Kulankaasi waxa hadalo ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal iyo Cabdilaahi Geel-jire oo kamida Siyaasiyiinta madaxbanaan, horena uga tirsanaa Xisbiga Kulmiye, kuwaasoo jeediyey hadallo muujinaya walaac ay ka qabaan majaraha Siyaasaddeed ee dalku ku socdo.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

 

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaagnews

Office