Hogaamiyaha Siyaasada Ee Qowmiyada Oromada Jawar Mohamed Oo Booqasho Ku Yimid Wajaale.

0

Hadhwadaag(Wajaale):- Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Qowmiyada oromada jawar Mohamed oo wakhtigan dawlada Raysal wasaare abiye axmed u ah la taliyaha khaaska ah ayaa saaka safar aan hore loo shaacin ku yimid Magaalo ganacsiyeeda togwajaale, Waxaana safarkan uu kusoo maray labada daamood ee magaalada wajaale oo inta badan uu kormeer kusameeyey goobaha ganacsiga.

Waxaana jawar Mohamed oo ah shaqsi kasoo jeeda qowmiyada oromoda oo aad ugu xeeldheer arrimaha siyaasada Geeska Africa Gaar ahaan Dalka Ethiopia, ayaa inta la ogyahay kamid ahaa awoodihii laxaadka lahaa ee gilgilay dawladii hore Ethiopia,

Waxaana Safarka jawar Mohamed oo in ka badan wata 20 gaadhi oo ay ku wehelinayaan saraakiil ka socoday dawlada Ethiopia ayaa kulamo la qaatay maamulka degmada wajaale ee qaybta Somaliland. Waxaana sidoo kale kusoo dhaweeyey goobaha ganacsiga degmada wajaale Siyaasi maxamed Xuseen Dhacsi oo kamida siyaasiyiinta reer Somaliland ee wakhtigan ku sugan dalka kana mida  qurbejooga reer Somaliland ee ku nool dalka Germany.

Safaradan siyaasiga falanqeeyaha ah ee jawar Mohamed ayaa ibo fur u noqonaya kuwo is dhexgal iyo furfurnaan ganacsi oo dhexmarta dawladaha Somaliland iyo Ehiopia oo uu ka dhexeeyo Xidhiidh Ganacsi oo Qotodheeri.