Deg Deg : Dab Hada Ka Kacay Gudaha Dekada Berbera.

0

Hadhwadaag(Berbera):-Waxaa galabta uu dab xoogani ka kacay mid ka mid ah Sadexdii wiish ee dekeda Berbera ee dhawaan madaxweyne Biixi xadhiga kajaray

Baaxada wiishka oo weyn iyo dabka oo aad isku soo taraya ayaa cabsi laga qabaa inuu gaadhsiiyo khasaare weyn qeybaha kale ee dekeda , manajiro deb damis ugaara oo ay leedahay dekeda Berbera.

Wararka ay Ilaysnews.com helayso ayaa sheegaya in gabi ahaanba uu wiishkaas oo qiimihiisa ay xukuumadu ku sheegtay 4 Milyan oo Dollar uu gabi ahaan-ba shuf beelay

Waxaana socda gurmad lagu bakhtiinaayo dabkaasi oo hada gudaha hore ugaleen dekeda gaadiidka iyo ciidanka deb damiska dawlada hoose ee Berbera.