Wiil uu Dhalay Madaxweynihii Hore ee Masar oo Geeriyooday

0

Wiilka ugu yaraa caruurta madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa ku geeriyooday dalkaasi Masar, kadib markii uu wadno xanuun ku soo booday.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Mursi oo da’diisu ahayd 24 jir ayaa xanuunku ku soo booday isagoo markaasi watay baabuur magaaladda Qaahir, sida uu sheegay walaalkiisa Axmed Mursi

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa geeriyooday bishii June ee sanadkan isagoo markaasi ku sugnaa Maxkamad ku taala Magaaladda Qaahir.

Wiilkan ayaa hore ugu eedeeyay Saraakiisha Masaarida Geerida aabihiisa, gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Tawfii iyo garsooraha Maxkamada qaadaysay kiiska aabihiisa Maxamed Shareen.