Deg-Qareeno Reer Somaliland Ah Oo Ka Qeyb Galay Imtaxaan Loo Galay Garsoorka Somaliya, Magacyadooda Iyo Sawiro.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Warar ay shabakada Hadhwadaagnews ka heshay ilo xog ogaal ah waxaa ay sheegayaan in qareeno reer Somaliland ah isla markaana Hargeysa ku noola ay dhawaan u dhoofeen Magaalada Moqdisho ee dalka Somaliya

Qareenadan  ayaa tiradoodu ay tahay saddex qareen waxaana ujeedkoodu uu yahay  sidii ay uga mid noqon lahayeen garsoorka Somaliya waxaana ay isla shalay-ba ka mid ahayeen 215 qof  oo u fadhiistey imtaxaan lagu kala saaraayey garsoorayaal loo qadanaayey maxkamadaha kala duwan ee dalka Somaliya

Image may contain: one or more people, people sitting, crowd, table and indoor

Saddex-dan Qareen   ayaa magacyadooda waxaa la kala yidhaah-daa Garyaqaan Maxamed Xasan Jicsin , Garyaqaan jama Ismail Ali  Iyo Garyaqaan Mawliid Maxamed (Ilyo )

Xogaha ayWarbaahintu heshay ayaa sheegaya in Qareenadan ay u badan tahay in ay imtaxaankaas ka gudbi doonan oo ay ka mid noqon doonan Garsoorka Somaliya isla markaana markii hore-ba ay balan qaad kaga baxeen Hargeysa

Image may contain: 2 people, people sitting, people standing and suit

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada  Garyaqaanadan