Halkan Ka Daawo:Qoyska Ilma Seeraar Oo Banaanka Soo Dhigay Tacadiyo Ay Xukuumadu Ay U Gaysatay

0

Halkan Ka Daawo:Qoyska Ilma Seeraar Oo Banaanka Soo Dhigay Tacadiyo Ay Xukuumadu Ay U Gaysatay.

Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga.

Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay.

Wasiirka tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymahaasi ay hoos u dhigeen wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil – oo ah kala bar shidaalkii ay boqortooyadu dhoofin jirtay.

Warfidiyeenada ayaa sheegaya in weerarkan uu saamayn weyn ku yeeshay qiimaha saliidda ee caalamka.

Muuqaal halka weerarku dhacay laga duubay ayaa muujinaya dab weyn oo ka kacay warshadda Abqaiq, oo ah goobta ugu weyn ee sharikadda Aramco ay shidaalka ku sifayso, halka diyaarad kale oo aan duuliye lahayn ay sidoo kale duqaysay warshadda Khurais.

Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo reer Galbeedkuna ay taageeraan ayaa gacan siiya xukuumadda Yemen, halka Iran-na ay taageerto fallaagada Xuutiyiinta.

Dhanka kale xeeldheereyaashu waxay baarayaan bal in weerarradaasi ay soo qaadday Iran iyo in ay soo qaadeen maleeshiyadka Shiicada ah ee gacan saarka la leh Iran ee ku sugan dalka Ciraaq – ayagoo adeegsanaya gantaalaha Kuruuska, sida uu ku warramay wargayska The Wall Street.

Xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay bilihii la soo dhaafay. Tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sannadkii hore ka baxay heshiiskii lagu xakamaynayey nuclear-ka Iran isla markaasna uu cunaqabatayn ku soo rogay.

Mike Pompeo oo bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in uusan hayn “wax caddayn ah” oo muujinaysa in weerarka laga soo qaaday dalka Yemen.

Waxa uu weerarka ku tilmaamay “mid aan horay loo arag oo lagu qaaday warshadaha ugu waaweyn caalamka ee Tamarta laga helo”.