Dhacdo Qosol Badan-Nin U Dhashay Dalka Maraykana Oo Lagu Xukumay Cashuur Gaadhaysa 3,000 Dollar iyo Ficilka uu Kagaga jawaabay.

0

Hadhwadaag(washinton):-Ninkan maraykan ah oo magaciisa la yidhaa Nick Stafford ayaa waxa ay dawladu ku cashuurtay lacag dhan $3000, Xadiga lacaga lagu xukumay oo aad u badan  si uu u muujiyo cadhada uu ka qabo lacagtaas lagu cashuuray ayaa waxa uu cashuurtii ku bixiyey lacag shilimaan ah oo isugu jirta 1, 2 iyo 10 senti waana uu isku soo dhex qasay si aan loogu xisaabin karin miisaan.
300,000 oo xabo oo shilimaan ah ayaa uu ku soo qaaday shan kaaryoon, tirinteeduna waxa ay qaadatay in ka badan 24 Saacadood oo u dhiganta hal maalin.

Dhacdadan ayaa Noqotay mid la yaab leh dalka maraykanka gudihiisa waxaana uu noqday nin inta badan loogu hadal hayn badan yahay.

Hadhwadaagnews.

Office.