Maxaa Lagaga Hadley Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Maanta… Halka Ka Dheeho.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Maxaa Lagaga Hadley Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland Ee Maanta… Halka Ka Dheeho.

WAR-SAXAAFADEED: 19 /09/2019

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagaga Hadlay Arrimo Dhawra

Kal-fadhigii 41-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha nabad-gelyada, sidoo kalena waxa warbixin lagaga dhegaystay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda.

Waxa kulankan diirada lagu saaray adkaynta amniga waxaanu goluhu ku dheeraadeen ahmiyada weyn ee nabadgelyadu u leedahay dalka iyo dadka iyagoo hoosta ka xariiqay in cid kasta oo lidi ku ah amniga laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, oo aan loo dulqaadan cid kasta oo ku hawlan nabadgelyo daro iyo hurinta colaadaha soo noqnoqday.

Waxa kale oo goluhu warbixin dheer ka dhegaysteen gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada mudane Farxaan Aadan Haybe oo sharaxaad ka siiyay golaha hawlaha horumarineed ee hay’adda shaqaaluhu ku hawlan tahay, isagoo tilmaamay inay dib u habayn iyo tayayn ku samaynayaan waaxaha maamulka iyo maaliyada iyo cududa shaqaalaha si kor loogu qaado tababarada iyo xirfada shaqaalaha dawladda islamarkaana loo hirgeliyo hannaanka, maamul wanaaga, daahfurnaanta iyo maamul daadejinta gobolada iyo degmooyinka ee shaqaalaha dawladda.

Ugu danbayn waxa goluhu xusay muhiimada xeerka hawl-gabka iyo xaqsiintu u leeyahay ciidamada qalabka sida si ay isula jaan-qaadaan horumarinta shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu, xeerkaas oo horyaal golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale goluhu wuxu ku dhiiri geliyey gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda in shaqaalaha dawladdu noqdaan shaqaale aqooneed oo la tartama shaqaalaha caalamka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.