Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI oo ka furmaya Sabtida Burco

0

Lix arrimood oo ku saabsan shirka Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI iyo saameynta siyaasaddeed ee uu leeyahay…Warbixin

Taageerayaasha WADDANI oo laga joojiyey soo dhaweyntii Guddoomiye Cirro

Hadhwadaag(Burco):-Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, saddexda maalmood ee soo socda waxa ay martigelinaysaa saxmad iyo dhaqdhaqaaq ka badan sidii hore, waxaana ku sugan boqolaal kamida madaxda iyo goleyaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo halkaasi kaga qayb-gelaya shirka labaad ee Golaha dhexe ee xisbigaasi oo ka furaya maalinta sabtida ee fooda inagu soo haysa.

Madasha Shirku ka dhacaya ayuu habeenkii xalay ku qabtay kulan gogol-xaadh ah oo taageerayaasha kala hadlay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi.

Xisbiga WADDANI ayaa ah kan ugu tunka weyn Mucaaridka, waxaanu Doorashadii madaxtooyada 41% codadkii codbixiyeyaasha.

“Shirka waxa ka qaybgelaya in ka badan 300 oo qof oo kamida Golaha dhexe, marti-sharaftii Somaliland iyo qurbo-jooggii, markaa dad badan ayaa joogga”sidaasi waxa yidhi Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenka Xisbiga WADDANI oo jimcaha maanta la hadlay Telefishanka Hctv isagoo ku sugan magaalada Burco.

Jimcaha maanta waxa gaadhay Magaaladaasi Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kaasoo maalmihii u dambeeyey Dadweynaha Magaaladu u diyaargaroobayeen soo dhaweyntiisa, hase ahaatee maalintii shalay masuuliyiinta xisbigu ay sheegeen in aan wax soo dhaweyn ah loo samaynin sababo tudhaale oo isaga ka yimi awgeed.

Guddoomiye Cirro ayaa si caadiya ugu biiray ergada tirada badan ee magaalada u joogta ka qaybgalka Shirka Xisbiga oo si weyn isha loogu hayo.

Shirkan ayaa hal-ku-dhig lagu sheegay “Isku haynta Dalka iyo Dadka”sida lagu daabacay Boodhadhka lagu shaaciyey qabsoomidiisa.

Wakiillo ka socda Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa la filayaa in ay ka qaybgalaan Shirka.

Halkan ka Daawo Afhayeenka Xisbiga oo ka hadlay diyaar-garowga shirka:

Maxaa ku cusub shirka WADDANI, maxaase laga filayaa?

Shirka Golaha dhexe ee WADDANI waa mid siyaasi ah oo saameyn ku leh saaxada Siyaasadda ee dalka, waxaanu ku soo beegmay wakhti uu xisbiga talada haya ee Kulmiye u nugul yahay dhaqdhaqaaq mucaarida oo sida dabeysha u ruxa.

Inkasta oo aan ajandaha shirka wali lala wadaagin Saxaafadda, haddana waxa la suurayn karaa in qodobada ugu waaweyn ay kamid yihiin in xisbigu qiimeeeyo xaaladaha, nabad-gelyo, siyaasaddeed, dhaqaale iyo caqabadaha xilligan ku gedaaman dalka, kaddibna uu ka soo saaro qaraar siyaasaddeed.

Waxa kale oo la filayaa in labada maalmood ee uu shirku socda lagu falanqeeyo siyaasadda xisbiga, sababihii keenay guul-daradii Doorashada Madaxtooyada iyo sidii uu u xoojin lahaa siyaasaddiisa gudaha iyo dibada.

Shirka ayaa la filayaa in lagu ansixiyo masuuliyiin xilal muhiima ka haya Xisbiga oo la magacaabay shirweynihii kaddib, sidoo kale waxa suurtogal ah in wax lagaga bedelo qaab-dhismeedka hogaanka xisbiga.

Qodobada shirkan ka khuseeya siyaasadda guud ee dalka  waxa kamida Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaamada oo ka hadalkooda shirkani muhiim u yahay.

Shirkan waxa guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga oo aan fagaareyaasha siyaasadda inta badan lagu arag, doorka ugu weyn-na waxa leh xubnaha Golaha dhexe oo xaq u leh in ay si mugle ula xisaabtamaan hogaanka iyo guddida fulinta.

Burco iyo WADDANI

Magaalada Burco waxay kamid tahay meelaha uu xisbigu ugu taageerada badan yahay, marka laga qiyaas qaato miisaankii uu ku lahaa iyo codadkii uu ka helay Doorashadii Madaxtooyada.

Sidaas-darteed marti kuma aha xisbigu Magaaladan, marka loo eeggo Xisbiga UCID oo bishii August ku qabsaday Shirkii Golaha dhexe.

Ugu dambeyn, go’aamada ka soo baxa Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga ugu tamarta roon asxaabta mucaaridka ayaa la saadaalinayaa sida ay u saameeyaan siyaasadda dalka.