Fanaanad Madaxweyne Biixi Ku Tilmaantay Inuu Yahay Nin Aasiya Yaqaana Dadka, Balse Aanu Aroosi Aqoon.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Fannaanadda Kawsar Cali Faarax, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Dadka aasi yaqaan, balse aanu aroosi aqoon, iyadoo intaas ku dartay inaanu jirin wax abaal ah oo ay Madaxweyne Biixi, Xukuumaddiisa iyo Xisbil-xaakimka Kulmiye midna u celiyey, iyadoo xustay inay dedaal badan gelisay wakhtigii ololaha doorashada madaxtooyada ee Muuse lagu doortay.

Waxay Kawsar sheegtay inay xanuunsanayso wakhtigan oo ay u baahan tahay caawimo caafimaad dibedeed loogu diro amma ay ku tagto. Waxay sheegtay inaanay cidina uga abaal-gudin heeso badan oo ay ololihii u qaadday Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye.

Fannaanadda Kawsar Cali Faarax waxay sidaa ku sheegtay waraysi uu la yeeshay Weriye Khaalid Maxamed oo Gabiley uga soo warrama Baddacas24TV. Waxaannu su’aalaha la weydiiyey Fannaanadda, jawaabaha ay ka bixisay iyo farriimaha ay dirtay-ba idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-