Somaliland: Walaaca Waadhadhka Cisbitaalka Hargeysa iyo Wadeecada Wasiirka Muraayada xidhan.

0

Golaha Guurtida oo walaac ka muujiyey tayada adeegyada Caafimaadka cisbitaallada dawladdu maamusho iyo xaqiiqooyin tusaale kaa siinaya xaalada xarumaha caafimaadka dalka…Warbixin

Xildhibaan Dheeg: Cisbitaalka Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay waa isku mid”hoos ka daawo Muuqaal

Hargeysa(Hadhwadaag):-Mudaneyaasha aqalka Guurtida oo dood ka yeeshay adeegyada bulshada, gaar ahaan dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujiyey tayada xarumaha bixiya adeegyada caafimaad ee ay dawladdu maamusho.

Xildhibaanno ka hadlay fadhigii maanta ee golaha, ayaa tilmaamay in uu kordhay heerka xakamaynta Iibka dawada aanay dhakhaatiirtu qorin ee ay Iibiyaan goobaha gaarka loo leeyahay (Pharmacy-du), taasina ay halis weyn ku tahay bulshada.

Waxa ay intaasi ku dareen inay Hay’addaha xukuumadda u qaabilsan caafimaadku ku dhaliilan yihiin maareynta goldalloolooyinka adeegyada Caafimaadka.

Si gaar ah waxa ay mudaneyaashu farta ugu fiiqeen in cisbitaalka Dawladdu maamusho ee Hargeysa ay aad u hooseeyaan adeegyada uu bixiyaa, waxaanay taasi waji gabax ku tahay balanqaadkii iyo dardaarankii Madaxweyne Biixi ka jeediyey Cisbitaalka mar uu bilihii la soo dhaafay ee sanadkan booqday.

Wadeecada Cisbitaallada dawladda iyo wasakhda waadhadhka

Wariye ka tirsan Gobanimonews oo bishii August booqday Cisbitaalka Hargeysa, una dhabo-galay sida ay dadweynuhu halkaasi uga helaan adeegyo caafimaad ayaa wariyey in xaalada cisbitaalkaasi wakhtigan tahay mid alow sahal ah oo aanay bukaan socodku kala kulmin adeeg iyo daryeel fiican.

Wariyaha oo booqday qaybta Dhalmada Haweenka iyo qaybta Bangiga Dhiigga ee Cisbitaalka, isagoon wadan qalabka wax duuba, ayaa indhihiisa ku arkay bukaan badan oo ka niyad jabsan in ay halkaasi dabiib caafimaad ugu sii negaadaan.

Nadaafada deegaanka gudaha Cisbitaalka ayaa iyaduna ah mid aan fiicnayn, qaar kamida Waadhadhka waxa hortooda wadhnaa Biyaha roobka oo fadhiistay meello godan ah, kaddibna halkaasi ku fasaqmay, sababayna in ay ka dhashaan cayayaanka Kaneecadu kamid tahay iyo kuwa jeermiska gudbiya.

Tusaale kale, ayaa iyaguna ah. Qof bukaan-jiifa ayaa Cisbitaalka la keenay, kaasoo ku jira xaalad deg deg ah, wuxuu u baahan yahay dhakhtar xaaladiisa si dhakhso ah u dersa, si uu badbaado u helo, ma sahlan sida uu maalin gelinkeed ugu kaaftoomi karo adeeg loogu qabtay Cisbitaalka xataa haddii uu lacag badan bixiyo, kuwa danyarta ah ee aan waxba haysana iyaga hadalkooddu waa qofba sidii alle u bixiyo.

Haa, Waadhka iyo Sariirta jiifku lacag maaha oo waa billaash, laakiinse maaha deegaan uu ruuxa Bukaanka ahi ka helay degenaanshiyo, dad si naxariis leh ula dhaqmaya iyo kaalmo caafimaad oo deg deg.

Waa Cisbitaalka hargeysa’e, qofka u baahan dhiig deg deg ah in lagu shubaa, waa in uu qadar lacageed cayiman bixiyaa, kaddib uu shubtaa Dhiig wakhtiga ay doonto haku qaadatee.

In Qofka la siiyo dhiiga oo ay ku xidhaan howl-wadeenadduna waxa ay u baahan tahay daba-gal iyo yeedhmo ka badan in uu sugi karo bukaanku.

Waadhka Dumarka ee dhalmada oo ah qayb cusub, waxa wakhtigaa ku sugnayd Gabadh Cadaan ah oo maamulaysay kooxda Kalkaalisooyinka ah ee ka shaqaynayey. Gabadha ayaa ahayd dhakhtarad uu la socday Wiil turjumaan ah.

gudaha iyo albaabka waadhka wax ceeryoonsanaa Dad badan oo bukaan iyo booqasho isugu jiray, kuwaasoo qaarkood la madluunsanaayeen baaxada howsha is-daba wareegga ah ee ka qabsatay Cisbitaalka dhexdiisa.

Xafiiska Wasiirka Muraayada madow xidhan

Wariyaha ayaa maalin kale booqday Wasaaradda Caafimaadka ee maamusha Cisbitaalka, waxa ay ahayd xilli shaqo mashquul uu yahay Xafiiska Wasiirka Wasaaraddaasi oo markaa keligii ka joogay madaxdii kalena ay ka maqnaayeen xafiisyadooda.

Way adag tahay in uu qofna si fudud ku galo Xafiiska Wasiirka, haddii aanu ahayn masuul hay’addeed, Wasiir wasaarad kale, Ganacsade caan ah ama ruux kamida ehelada iyo asxaabta Wasiirka oo balan Telefoon ku socda.

Wariyaha oo kamid ahaa koox suxufiyiin ah, ujeedkiisuna ahaa in uu ka xogwaraysto xaalada uu cisbitaalka ku arkay, ayaanay u suurtogelin in uu helo,sabab la xidhiidha in aanu ahayn mid kamida dadka aynu kor ku sheegnay ee uu u furan yaay albaabka muraayada ka samaysan ee Xoghaynta Wasiirku, kaasoo uu hortiisa gaadh kaga jiro Askari lebisan oo Qori dhame ah wataa.

Inkasta oo ay Wariyeyaashu wakhti dheer sugayeen Wasiir Cumar Cali Cabdilaahi, aakhirkiina ay dibada kula kulmeen markii uu shaqada ka rawaxay, ma uu siin wax tix-gelin ah ujeedada ay ugu yimaadeen, waxaanu sida muuqatay ku soo uruuriyey in ay muraad shakhsiya oo ka baxsan shaqadooda ugu socdeen “waa inoo mar kale” ayuu ku yidhi Suxufiyiinta isagoo ka sii degaya jaran-jarta dabaqa sare ee dhismaha Wasaaradda oo uu Xafiiskiisu ku yaallo.

Waa Wasiir ku cusub Wasaaradda iyo saaxada Siyaasadda xukuumiga ah, wajigiisana aanay ka muuqan furfurnaan shakhsi ah “Wasiir Muraayaddo madow xidhan”.

Walaaca Goleyaasha Baarlamanka

Sabtidii Todobaadkan ayuu la kulmay guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo uu uga xog-waramay xaalada Caafimaadka Dalka ee ay Wasaaraddiisu maamusho.

Maanta oo Axad ahna Golaha Guurtida oo dood ka yeeshay adeegyada bulshada, ayaa ka dardaar wariyey duruufaha ku gedaaman Cisbitaallada ay Xukuumaddu maamusho. “Qofku markuu dhakhtar dawladdeed yimaado ee uu kala garan waayo waa Cisbitaal dawladdeed iyo mid gaar loo leeyahay waa mushkilad, waana xaalada iminka lagu jiro”ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg oo kamida mudaneyaasha Guurtida ee doodda ka dhiibtay fadhiga maanta.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ayaa isna ku raacay oo yidhi “waan la qabaa saaxiibaday in ay dhakhtaradii dawladdu ka gaabiyeen wixii qofku lahaa..way ka gaabiyeen, way ka gaabiyeen.. dhakhtarkii dawladda iyo kii gaarka loo lahaaba lacagbaa la iska qaadayaa”ayuu tilmaamay mudane Indho-indho.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:

Cisbitaallada gaarka loo leeyahay oo ka dheereeyey dawladda 

Si kastaba ha ahaatee duruufaha ay Cisbitaallada Dawladdu maamushaa ku jiraan oo aan ahayn kuwo cusub, balse haddana wakhtiyada qaar dhamay siday hadda yihiin, ayaa shacbiga ku khasbay in ay dhakhaatiirta  gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Magaalooyinka waaweyn xannuunada sahlan kula eertaan, iyada oo dadka ugu badan ee goobahaasi qabatimay ay yihiin Dumarka iyo Carruurta oo ah nugulka bulshada.

Waxaanay taasi sababtay in ay Cisbitaallada gaarka loo leeyahay ka waxqabad bataan Dhakhaatiirta Dawladda oo ay xataa gaadhaan heer ay markii ugu horaysay gudaha dalka ku tijaabiyeen habka caloolsha hooyada lagu talaallo Ilmaha, iyadoo halkaa la isugu geynayo hide sideyaasha Jinsiga ee Ilmuhu ka samaysmo, taasoo ah farsamo markii hore dalka dibadiisa loo tegi jiray.

Cisbitaallada gaarka loo leeyahay ee u furan faa’ido doonka oo deegaan ahaan iyo nadaafad ahaanba ka heer sareeya kuwa dawladda, ayaa bukaan socodka  lacag xad-dhaafa lagaga kireeyaa qolal sida Hudheellada loo diyaariyey oo nadiif ah, wallow xagga adeegga aanay wax badan dhaamin xarumaha dawladda, meel lagaga maarmaase aanay jirin.

Dhakhaatiirta Itoobiya ee dadka somaliland ka macaasha 

Ugu dambeyn maalin walba tobanaan qof ayaa dalka Itoobiya xaalad bukaan ugu kicitima, kuwaasoo lacag aan qiyaas lahayn siiya dhakhaatiirta Dalka Itoobiya ee wax ku bartay dalkooda.

Dhakhaatiirtan Dawladdoodu wax bartay ayaa faa’ido badan oo dhaqaale ka hela bukaan socodka Somalida, gaar ahaan kuwa Somaliland oo ka taga dal 29 sannadood nabad-gelyo iyo horumar ka jiray oo ay haddana ka waayeen mid kamida xuquuqaha Dastuuriga ah ee ay Dawladda ku leeyihiin.

Haddaba su’aasha qaranka Somaliland hortaalla ee ku saabsan tayada adeegyada Caafimaadka, ayaa ah mid cid ka jawaabi kartaa aanay jirin xilligan, waase masuuliyad dayacan aanay marnaba ka gaban karin Xukuumadda talada haysa iyo xsbigeedu.