Somaliland: Xaflad Aroos oo hal mar isku badashay goob dagaal oo sababtay dhimasho

0

Xaflad aroos oo ka socotay deegaanka Waabeeye oo tirsan degmada Duruqsi ee gobolka Togdheer ayaa hal mar waxay isku badashay goob dagaal, midaasi oo sababtay dhimashada hal qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa xafladaasi.

Waxa sidoo kale xafladaasi aroos ee isku badashay dagaalka ku dhaawacmay saddex kale oo kamid ahaa dadkii ka soo qeyb-galay xafladaasi farxadeed ee markii dambe isku badashay murugada.

Guddoomiyaha degmada Duruqsi, Axmed Cabdilaahi Cabdi Gaabyoone oo tagay goobtaasi ay ka dhacday dhibaatadadu ayaa waxa uu sheegay in hadda xaalku yahay mid dagan, isla markaana meydkii iyo dhaawaciiba loo qaaday caasimada gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ciidamada booliska Somaliland ku daba jiraan gacan ku dhiigle uu sheegay inuu xabad ku furay dadkaasi, isagoona carabka ku adkeeyay in xukuumada laga warsugo oo aan talaabo qaldan oo kale la qaadin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kalena, Badhasaabka gobolka Togdheer oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dadkaasi ay waxyeeladu ka soo gaartay rabshadaasi ay dhamaantood ahaayen Rag, isagoona sheegay in xaaladooda caafimaad roontahay dhaawici la geeyay magaalada Burco, wuxuuna yiri “Aroos ka dhacay xalay, Waraabeeye ayaa rabshado ka dhacay ayaa isku rogay in dagaal halkaas ka dhaco, waxaana la dilay oo halkaas ku dhintay hal qof, saddex qof oo kalena wey ku dhaawacmeen”.

“Dhamaan afartan qof waa wada rag, waxaana anigu amray in meydka iyo saddex qof ee dhaawacmay la keeno Burco, waana la keenay, imikana xaaladu wey degan tahay, waxaana dadka leeyahay is dajiya, Xukuumadduna waajibkeeda wey gudanaysaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxan dhacayna inkasta oo aynu shaydaanku ku lug lahaa, haddana wax qoran oo Alle qadaray ayey ahaayeen, Allena qofkaas dhintay ha u naxariisto, saddexda qof ee kalena ee dhaawacana caafmaad ha siiyo”.