Ex. Madaxweyne Rayaale Ma Wuxuu Buuxiyey Kaalin uu Gabay Saylici?

0

Hadhwadaag(Borama):-Madaxeynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa kulamo kula yeeshay Magaalada Boorama Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, waxaanu kala hadlay sidii ay dariiq nabad-gelyo ah ugu raadin lahaayeen tabashooyinka siyaasaddeed  ee ay qabaan.

Rayaale ma wuxuu mideeyey tabashada reer Awdal iyo mise wuxuu dejiyey xiisad

Waxa Magaalada Boorama ka soo muuqday Telefishan Rayaale oo ay hareer taagan yihiin tobaneeyo kamida Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal, kuwaasoo sheegay in madaxweynaha hore kala hadlay inay xasiloonida Gobolka ka horaysiiyaan dareenka siyaasiga ah ee ay qabaan.

Mr. Rayaale ayaa dhankiisa sheegay in bulshada Gobolka looga baahan yahay in ay wado sax ah ku raadiyaan wixii ka maqan, kana fogaadaan fowdo iyo xasilooni daro.

Rayaale waxa kale oo uu madaxdhaqameedka kula taliyey inay bulshada ka dhayaan qardoofooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada, una istaagaan midnimada Shacbiga gobolkaas.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:

 

Doorka uu qaatay Madaxweynaha hore ee dejinta xiisada ka taagnayd Gobolkaas bilihii u dambeeyey ayaa ah mid la odhan karo waxa ka gaabiyey masuuliyiinta Dawladda iyo Xisbiga ugu jira shacbiga Gobolkaas, kuwaasoo uu ugu tun weynyahay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay isaga waajib ku ahayd in uu mideeyo siyaasadda Gobolka uu ka soo jeedo iyo in madaxweynaha xilka haya ee uu ku-xigeenka u yahay kala shaqeeyo turxaan bixinta tabashada salka ku haysa saami-qaybsiga Golaha Wakiillada.