War Deg-Dega-Jubbaland Oo Soo Iibsatay Diyaarad Jawaab Looga Dhigayo Xayiraada uu Farmaajo Saaray Duulimaadyaddii Tagi Lahaa.

0

Hadhwadaag(Kismaayo):-Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray madaxweynayaashii hore ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wafdiga Shariif Xasan iyo Cabdikariin Guuleed waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kaga hortagay labada Madaxweyne  ku xigeenka ee Jubaland Lugadheere iyo Maxmauud Sayid Aadan. Waxaa la socda daraasiin Xildhibaanno ah kuwaas oo Magaalada Kismaayo u tagay ka qeybgalka caleema saarka Axmed Madoobe.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in 9-ka Bishan October ay dhaceyso xafladda caleemasaarka Axmed Madoobe, waxaana halkaas ku sii qul qulaya mas’uuliyiin kala duwan.

Sida wararku sheegayaan diyaarada Wafdigaan sida tooska ah uga dajisay magaalada Kismaayo ayaa ah diyaarad uu maamulka Jubaland soo iibsaday. Diyaaraddan ayaa loogu tala galay inay soo qaado wafuuda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Jubbaland ayaa ku qasbanaatay inay soo iibsato diyaaradaan kaddib markii dowladda federaalka ay ku amartay shirkadaha diyaaradaha rayidka in aysan Kismaayo tegi karin ayaga oo aan soo marin Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid oo ka hadlayay soo dhoweynta wafdiga maanta gaaray Kismaayo ayaa yiri “ku soo dhawaada magaalada Kismaayo waxaan ku faraxsanahay inaad nasiib u yeelateen inaad soo raacdaan diyaaradii ugu horeysey ee ay Jubbaland leedahay ummadda Soomaaliyeedna sharaf ayay u tahay, madaxweyne Farmaajana waxaan rajeynayaa inay mudan tahay inuu noogu soo hambalyeeyo”

Dowladda Soomaaliya ma lahan awood ay diyaaradaha uga joojiso tegista Kismaayo, balse waxay awooddaa in diyaaraddii tagtaa halkaas ay ka mamnuucdo Muqdisho. Maadaama Muqdisho tahay magaalada ugu weyn shirkadaha diyaaradahana muhiim u ah ganacsi ahaan, shirkadahu ma awoodaan inay lumiyaan, sidaas darteed ayay ku qasbanaadeen inay qaataan amarka dowladda.

Diyaaradda cusub ee Jubaland soo iibsatay waxay la macno tahay inaysan qabin cabsi la mid ah tan shirkadaha diyaaradha.