Akhri: Fadeexaddo Dul Hoganaya Cisbitaalka Guud Ee Dawladda Ee Gabiley. W/Q Nimcaan Muuse

0

Agaasimaha hospital gabiley waxa uu ka mushaar badan yahey wasiirada somaliland, Sida oo kale waxa hospital waxa uu ku dhex iibiyaa daawada #oxytocin

Hospitalka Gabiley madmadaw badan ka jira hore idiinla wadaaqey, waxayna hada u muuqataa jar iska xuurnimo, hadeer hospitalka gabiley waxa uu marayaa inuu maamulka hospitalka gabiley kooxo dumara usameystey kuna mushaar qaata dufaacista maamulka hospitalka gabiley, kooxda waa shaqaale ka hawl gala hospitalka gabiley, lana shaqaaleysiyey mudada uu maamulka hospitalka hayey, waxa ay ka mushaar badan yhiin shaqaalaha kale hospital ka hore u jogey iyo kuwa cusub, waayo dhawr haayadood guno ayaa looga qorey, sida oo kale mushaarka iyo guna kale oo dheeraada dawlada ayey ka qataan.

Maalmo ka hor waxa isku dhacey laba kooxood oo uu hospital gabiley ukala qeybsan yahey, Koox kamida una badan dumarka hospital ka shaqeeya waxey gar gardaro hiil u yihiin maamulka hospitalka gabiley, sida la ila wadaageen shaqaalaha caafimaadka waxey ubadan yihiin Qaraabo (ilmadeer, ilmaabti & seediyo). Halka kooxda kale salka ku heyso kuwa ka dhiidhiyeye cadaalad daro ay ka tabanayaan hospital ka gabiley sida oo kale una badan yihiin dad mudo dheerka shaqeynayey hospitalka la iskana gashaanbuureystey.

Hada xaalada labada kooxood waa car iyo wir, aadbey u cakiran tahey talona faraha ugu ma jirto agaasimaha hospital ka gabiley, saacada la joogoba dagaal ayey kooxwalba diyaar utahey, sidey kooxba kooxda kale iskaga difaaci laheyd. Waxa kale iyana Soo baxaaya habalaha kale Ee shaqaalaha ah Ee agaasimaha hospital gabiley ka Soo horjeeda Inay Wadaan olale ay kaga qaadayaan Xilka ama dhibta ka jirta hospitalka gabiley kula wadagayaan masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimaadka ugu sareysa. Dhalin yarada hawsha wada Waa asxaabtiisii ay iskugu dhawaayeen Kuwa guda jooga iyo Kuwa dibad ku maqanba, waxay Geed dheer iyo ku gaaban u fuushan yihiin Inay sii xoojiyaan dagaalka iyagoo Ilaa imika kulamo uga socdaan Gabiley iyo Hargeisa. Waxa kale Oo jira Inuu agaasimaha hospital ka gabiley, hawlaha siLoo qaboojiyo Uu ergo badan dirsadey, una dirsadey dhalin yara la soo horjeeda ergadaasina lagu Soo gacan saydhay.

liiska xaga hoose idin ka muuqda waa mid ka mida shaqaalaha caafimaadka gabiley mudo aan fogeyn ayey ka qalin jabisey Jamacada Gabiley waxayna bartey #Nursing, lkn waxay kaga mushaar & guno qaadataa hospital gabiley #Doctor sida ku cad war qada hoose, sida oo kale waxay ku jirtaa, dhawr qof oo kale ka mushaar qaata haayada UNICEF iyo haayada kale shaqaalaha hospitalka gabiley mushaarka aysiiso.

Marka aad shaqaalaha hospitalka la sheekeysato waxa aad ogaaneysaa, inuu hospitalka gabiley yahey Xarunta ganacsi , dhibaatooyin badana ay hadheyeen, shaqaalaha iyo fursadaha kale ee soo baxa laba loo kala qeybsado, qeyb waxa shaqaaleysiista maamulka hospitalka gabiley & halka qeybta kale agaasimaha guud wasarada hormarinta caafimaadka somaliland lagu jiheeyo.

Agaasimaha hospital gabiley waxa uu ka mushaar qataan, Haayadaha kala ah sida :
IOM, Swiss/UNFPA , Annpican , Commission ka aids & Waxa kale oo intaas udheer mashaarka dawlada iyo guno xileedka. Mudo dhawr sana oo uu xilka hospital gabiley hayey waxa hargeysa ka dhistey laba guri, mid ka mida roobab kii ugu danbeyey bubur xoogan ugeystey.

#Oxytocin waa dawada hooyada laga fooliyo marka ay umuleyso, bilaash ayaa lagu bixiyaa waxaana hospitalada somaliland ugu deeqda haayada UNFPA, Nasiib daro hospitalka gabiley waa lagaa ga dhex iibinyaa, waxa aanad ka iiibsanaysa oxytocin iyo dawooyinka kale ee mihim ka sida #IVcanola agaasimaha hospital gabiley, lacagtana waxa lagu shubaa zaada khaaska (personal) agaasimaha hospital gabiley, iibinta dawadaasi waa xaraan, hadii laga tagi waayo waxey aheyd iney lacagtaasi ku dhacdo ayey aheyd makhalka wasarada ee hospitalka,

Somali Activist
Nouman M Muse

No photo description available.