Deg-Deg-Corel Caare Oo Ganafka Ku Dhuftay Dalabkii Madaxweynaha Jsl Uu Cafiska Ku Waydiisanayey.

0

Hadhwadaag(Ceerigaabo):-Waxaa Hadda Khadka Telefoonka lagula xidhiidhay Corel Caare oo hore uga goostay Ciidamada Somaliland, kaas oo tabashooyin uu ka tirsaday dawlada somaliland sababtay inuu dalka ka baxo.

Hadaba Jawaabta wakhtigan ee uu ka bixiyey Corel Caare Dalabkii ahaa Madaxweynaha jsl uu maanta soo jeediyey inuu cafiyey dhamaan ciimadadii la socoday caare balse caare isagu uu soo dalbado Cafis uu ka dalbado Qaranka Somaliland sidaa darteedna lagu cafiyo. Ayaa hadda Sheegay inaanu isagu Aqbalin go’aankaa ay Gaadheen Odayaasha iyo Salaadiinta ergada ugu tagay madaxweynaha iyo Soojeedintii madaxweynaha.

halkan hoose ka Dhegayso Nuxurka Warkan.