War Deg-Deg-Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland Oo Sheegay Inaaney Cidi ka Qayb Gali Karin Caleemo Saarka Axmed Madoobe.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland Ayaa Ka hadlay Warar Sheegaya in Xubno Kamida Xildhibaanada Somaliland doonayaan inay ka qayb galaan Madasha lagu caleemo Saarayo madaxweynaha maamul Goboleedka Jubbaland.

Waxaanu Sheegay Inay Sharci Darro tahay Ka Qayb galka Maamul goboleedkaasi cid ka Socota Somaliland ay safar ku tagto.

Sidoo kale waxaa uu cadeeyey Qodobada ka joojinaya ee Sharciga Somaliland in Xubno ka socodaa Tagaan maamul goboleed Hoos yimaada Somalia.