Kooxada Al Shabaab Oo Toogasho Ku Dilay Masuuliyiin Ka Tirsanaa Hirshabeele+Qodobada Loo Cuskaday.

0

Hadhwadaag(Hirshabeele):-Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun dil ku fuliyey gudddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabelle.

Marxuumka oo 82 sana jir ahaa ayaa lagu magacaabi jiray, Cali Cabdullaahi Xasan, wuxuuna ahaa guddoomiyaha Xaafadda Buula Sheekh ee magaaladaasi.

Fagaarha lagu toogtay ninkaasi oo ku yaalla deegaanka Fiidow oo dhaca xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in marxuumka uu qirtay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay, kadibna lagu fuliyey xukun dil toogasho ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddoomiyaha la toogtay ayaa deegaanka Fiidow bil ka hor u tegay, si uu marqaati ugu noqdo dad u Garsoor doontay Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in intii ay socotay dacwadda u dhexeysa dadkaasi ay maxkamadda gudaha u soo galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo hubeysan, kadibna ay kala baxeen marxuumka oo ay ugu dambeyn shalay toogteen.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShablle iyo kan degmada Jowhar oo ku aadan toogashada mas’uulkaasi.

Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dil ka fulisa deegaanada ay ka taliso ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.