Somaliland oo Dalkeeda Ka Caydhinaysa Qunsuliyada Somaliland ay ku Leedahay Dawlada Turkigu.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Golaha Wakiilada Somaliland dood iyo falanqayn qotodheer ka yeeshay hawlaha shaqo ee ay u joogto dalka qunsuliyada dalka turkiga u qaabilsan somaliland ee fadhigeedu yahay hargeisa oo ah farac ka hoos shaqeeya safaarada turkigu ku leeyahay magaalada muqdisho ee somalia.

Shacabka somaliland uu dhibaato  weyn ku qabay u dhoofitaanka dalka turkiga oo lagu cadibi jiray qunsulka ay dawlada turkigu ku leedahay magaalada hargeisa, ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dhaleecayn kulul usoo jeediyeen xildhibaanada somaliland ee shacabku soo doortay kuwaas oo ku sifeeyey inay mudan tahay in dalka laga saaro maadaama ay shacabka somaliland dhib weyn ku qabaan in si sahlan loogu fududeeyo dhukumantiyada dhoofka ee dalkaasi turkiga loogu safro.

Dawlada Turkiga ayaa inta la ogyahay gacansaar weyn la leh maamulka dawlada madaxweyne farmaajo kuwaas oo ay ka caawiyaan dhismayaasha iyo tababarka ciidmada kala duwan ee dalkaasi, sidoo kale waxaa taa badalkeeda ay gacanta ku haysaa dawlada turkigu oo lagu siiyey qandaraasyo kala duwan maamulka iyo dhismaha madaarada magaalada muqdisho iyo dekedaha.

Maxay Ka Yidhaahdeen Hadaba Golaha Wakiilada Somaliland Qunsulka Hargeisa u Fadhiya Turkiga.

Halkan Hoose ka Daawo.