FBI-da Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday Shaqsigii Ka Dambeeyay Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

0

Muddo badan kadib Hey’adda Sirdoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaan FBI ayaa soo bandhigtay natiijada ciddii ka dambeysay dilkii Magaalada Istanbul loogu geystay wariyihii reer Sacuudi Jamal Khashoggi.

Wargeyska Washington Post oo warbixin ka qoray arrintaan ayaa sheegay in natiijada FIB ay kuso dhamaatay inuu dilkaas ka dambeeyey Dhaxalsugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in Maxamed Bin Salman oo si toos ah u dhageysanayey marka uu dhacayey dilka Jamal oo lagu dhex gowracay Safaaradda Sacuudiga ee Magaalda Istanbul.

Jamaal oo ahaa nin ku caan baxay cambaareynta dowladda ayaa bishii Oktober ee

sanadkii hore lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambul ee dalka Turkiga.
Markii ugu dambeysay ee la arkay wuxuu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, 2-dii bishii Oktober ee sanadkii 2018-kii.

Wuxuu markaas doonayay inuu halkaas kasoo qaato warqado sharci ah oo uu ugu baahnaa inuu ku guursado haweeneyda u doonaneyd.

Maxamed Bin Salman ayaa isna dhawaan sheegay inuu qaadanayo Mas’uuliyadda dilkii Jamal maadaama uu isaga hoggaamiye u yahay Sacuudiga.

Jamal ayaa caan ku ahaa inuu soo bandhigo dhibaatada ay Dowladda Sacuudiga ku heyso muwaadiniinta u dhalatay dalkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com