Deg-Deg-Mid Kamida Wasiirka Madaxweyne Biixi Oo Markii labaad U Gudbiyey Warqadii is Casilaada+Jawaabta

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Xukuumada madaxweyne biixi oo wakhtiga ay talada haysay ay cagocagaynayso ku dhawaad laba sanno ayaa waxaa wararku sheegayaan in wasiirka wasaarada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Yaasiin maxamuud Xiir Faratoon uu markii labaad u gudbiyey madaxweynaha jamhuuriyada somaliland warqadiisii shaqo ka tagista, taas oo markii madaxweynuhu u magacaabay wasaarada arrimaha dibeda waxyar uun ka dib uu u gudbiyey iscasilaadaasi balse uu madaxweyne biixi ka diiday.

Wakhtigaasi hore kadib hadda waxaa iyaduna jirta sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay in wasiir yaasiin maxamuu xiir faratoon uu markii labaad uu madaxweynaha u gudbiyey warqada iscasilaada, taas oo sida wararkani sheegeen uu ku sababeeyey wasiirku arrimo isaga u gaar kadib markii uu dhakhtarka khaaska ee wasiir faaratoon kula taliyey inuu ka nasto shaqada islamarkaana uu joojiyo wixii shaqo ah ee uu hayo si xaaladiisa caafimaad u wannaagsanaato kadib markii muddooyin dhawr jeer ah uu wasiir xiir faratoon xaalado caafimaad ugu baxa dalka dibadiisa.

Wasiir Yaasiin maxamuud ayaa hadaba markii uu mar labaad madaxweynaha u gudbiyey warqada shaqo ka tegista ama iscasilaada uu ka diiday madaxweyne biixi kaas oo ka codsaday wasiirka inuu ku simo isku bedelka uu sameyn doono wakhtiyada soosocoda sidaas darteedna uu shaqada intaasi sii hayo.

Wasiirka arrimaha dibeda somaliland Yaasiin maxamuud Xiir faratoon ayaa da’ahaan ah qof waayeela iyadoo uu u weheliyo xanuun dhawr mar uu u aaday dhakhaatiir dibeda ah.

Bilihii ugu danbeeyey Wasiir Yaasiin Maxamuud xiir Faratoon ayaan lagu arag shaashadaha iyo kulamada wafiyada kala duwan ee ka yimaada dalalka caalamka ee kulamada la qaata madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka kuwaas oo uu hormood u ahaan jiray masuuliyiinta dhinaca somaliland ee sida diiran usoo dhaweeyey wufuuda ka timaada beesha caalamka ama kuwa qaramada midoobay.

Waxaana laga dhursugayaa wakhtiga uu madaxweyne biixi sameyn doono isku shaandheynta salka balaadhan ee uu seetada uga dhigay wasiirka ka dalbaday shaqo ka tegista.

Hadhwadaag News Office
Hargeisa Somaliland
Hadhwadaagnews@gmail.com