Hargeisa(Hadhwadaag):-Siyaasi Maxamuud Cali Saleeban Ramaax xoghayaha arimaha gudaha xisbiga Ucid ayaa eedaymo kulul dusha u saaray wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan.
Xoghaye Ramaax ayaa sheegay in wasiirkaasi aanu istaahilin inuu umada somaliland xil u qabto maadaama oo xukun maxkamadeed hore ugu dhacay.
Xoghaye Ramaax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi “Inanka Cabdilaahi Abakor maanta maaha kii Wasiir umadda Somaliland u noqonlahaa’ waayo waa nasiib daro Nin Qori qaatay oo Maxkamadi Ku dhacday in uu ina soo hor istaago oo maanta Kursi xaaraan iyo sharci daro uu Ku fadhiyo uu IGA soon Caayo mid aan aqbali karo maaha”