War Deg-Deg-Suldaan Wabar iyo Jabhada Uu Hogaaminayo Oo Fara Cididood Kagaga Badbaaday Ciidamada Ethiopia.

0

Borama(Hadhwadaag):-Guud ahaan xaalada gobolka awdal oo ah wakhti xaadirkan mid degan, ayaa haddana wali waxaan jira dhaqdhaqaaq ilaa maalintii shalay ka socoday galbeedka magaalada borama oo ay ku sugnaayeen jabhada suldaan wabar.

kadib markii maalintii shalay galinkii hore ay isku dhaceen ciidmada somaliland iyo kuwa suldaan wabar halkaas oo warar kala duwan oo kasoo baxay sheegayeen ilaa maanta in khasaaraha ka dhashay uu ahaa hal gaadhi oo kuwa somaliland lagu gubay halkaasi, halka hal askari oo ciidamada somaliland ahin uu soo gaadhay dhaawac fududi.

Hadaba Wararka maanta laga helayo gobolka awdal ayaa xaqiijiyey in inuu jiro dhaqdhaqaad ciidan oo xoogan kaas oo ku aadan dhinaca xuduuda u dhaxaysa somaliland iyo itoobiya, dadka deegaanka uu gobolka awdal la wadaago itoobiya ayaa ka waramay in Dhinaca somaliland ciidamo aad u xoogan lasoo dhoobay xuduuda u dhaxaysa itoobiya iyo somaliland amarka ciidamada ay kagaga baxeen gobolka awdal ayaa yimid kadib markii habeenimadii xalay ilaa shalay ay wada tashiyo iyo kulamo gaar gaar ahi u socodeen madaxda kala duwan ee ku sugan gobolka awdal oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland, Axmed Yaasiin sheekh cali ayaanle gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland, wasiirka wasaarada ganacsiga, mr saajin iyo masuuliyiin kale oo ka socoday dawlada somaliland.

Kulan saacado badan qaatay Dhexmaray Masuuliyiin uu hormuud u yahay madaxweyne ku xigeenka somaliland mr c.raxmaan ismacil saylici, madaxda goboka badhasaabka, maayirka, iyo odayaasha uu kasoo jeedo suldaan wabar ayaa kusoo gabogaboobay in la kala qaatay amaawiir culculus oo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa arrinta suldaan wabar oo markii labaad xaalad nabad galyo darro ka abuurtay gobolka awdal.

Waxaana wararku intaa ku dareen in masuuliyiinta iyo madax-dhaqameedka gobolka awdal ku kala tageen in sida ugu dhakhsaha badan uu kusoo noqdo suldaan wabar arrintiisana lagu dhameeyo wadahadal haddii uu arrintaasi aqbaliwaayana waxaa uu madaxweyne ku xigeenka qaranka somaliland amar ku siiyey abaanduulaha ciidamada qaranka somaliland in gacanta lagu soo dhigo sida ugu dhakhsaha badan isaga iyo kooxda uu hogaaminayaba.

Talaabadaasi uu madaxweynuhu  amarka ku faray abaanduulaha ciidmada qaranka somaliland iyo badhasaabka gobolka awdal kadib waxaa ciidamada somaliland galeen foojignaan adag uu ku aadan sidii loo raad guri lahaa aaga ama deegaanka ay ku sugan yihiin suldaanka iyo jabhadiisu, taasina waata keentay in ciidamo badan oo kuwa qaranka somaliland lagu daad gureeyo soonaha xuduuda gobolka awdal la wadaago dalka itoobiya.

Dhanka kale Ciidmada Dawlada Itoobiya oo maalintii shalay Culeys xoogan soosaaray xuduuda u dhaxaysa somaliland iyo itoobiya ayaa keenay in boqolaal ciidan ah la keeno xadka labad dal.

Dadka deegaanka ku sugan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamada dawlada itoobiya gaafwareegayaan deegaanka xuduuda gabi ahaan iyagoo baadigoob ugu jira soo qabashada suldaanka oo marka isku dhac yimaado ama uu weerar kusoo qaado somalilandba u baxsada dhinaca xuduuda dawlada itoobiya, halkaas oo uu deegaan ahaan aad u kala yaqaan ay degan yihiina bulsho badan oo hayb ahaan kasoo jeeda gobolka awdal.

Waxaana wararku intaasi ku dareen in fadhiisin buuraha ku yaala xuduuda oo ku sugnaayeen jabhada suldaan wabar dirqi kagaga badbaadeen waxyar uun ka intii aaney iman ciidamda dawlada itoobiya oo si adag ugu raad jooga soo qabashada kooxdan ku dhuumaalaysanaysa dhulka itoobiya, iyadoo saacad ka hor uun ay fadhiisinkan ka guureen ciidamada suldaan wabar intii aaney soo cago dhigan ciidamada itoobiya.

Somaliland iyo itoobiya oo dhawaan wafti ka socoda dawlad deegaanka somaalida itoobiya xubno wasiiro ahi kulamo kula qaateen wasiirada arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland iyo madaxda kale ee amniga dalka, kuwaas oo go’aan ku kala qaatay in gacan layska siiyo dhinaca amniga ee labada dal islamarkaana aaney suurto gal noqon in cid dal kale dhibaato kasoo gaysatay ay ku dhuumato ama u baxsato dalka ay jaarka yihiin, arrintaas oo ay ka danbeysay kadib markii dhawaan ay jabahada uu hogaaminayo suldaan wabar ay goor subax hore ah weerar kusoo qaadeen saldhiga ciidamada booliska ee magaalada borama. 

Dhinaca kale Axmed yaasiin sheekh cali ayaanle oo ku sugan gobolka awdal ayaa isaguna maanta ka hadlay xaalada ami ee gobolka iyo heshiiskii dhexmaray jabhadii cawaale iyo xukuumada somaliland.

 

Borama Somaliland
Hadhwadaag News Office
Hadhwadaagnews@gmail.com